Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Ingiriiska oo Garoowe u tegay xal u raadinta Khilaafka doorashada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1701506460185.jpg?resize=720%2C56

Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mr. Mike Nithavrianakis ayaa maanta oo Sabti ah soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safiirka ku qaabilay xarunta madaxtooyada Garoowe halkaas oo ay ku yeesheen kulan gaar ah oo ku saabsan maareynta khilaafka doorashada Puntland.

Safiirka ayaa sidoo kale la kulmay qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo uu kala hadlay sidii lagu xallin karo muranka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashada 2024.

Danjire Mike Nithavrianakis ayaa lagu wadaa in uu dhinaca kale la kulmo dallada ay ku midaysan yihiin Mucaaridka Puntland islamarkaana kala hadlo xal u raadinta xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka aloosan doorashada.

PUNTLAND POST

The post Safiirka Ingiriiska oo Garoowe u tegay xal u raadinta Khilaafka doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this