Sign in to follow this  
Deeq A.

Cosoble oo arrin cusub ku biiriyay doodda wax ka beddelka dastuurka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Cosoble-1.jpg?fit=960%2C639&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo kusoo biiray doodda ka taagan wax ka beddelka dastuurka, ee heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Heshiiskan ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka.

Cosoble ayaa doodda taagan ku biiriyay in Soomaaliya ay u baahan tahay 1 xisbi oo keliya, halka siyaasiyiinta kasoo horjeeda qoddobkaan ay qabaan in xataa 2 xisbi yar tahay oo la kordhiyo.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo u muuqda mid ka aragti duwan dhinacyada kale, ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay waddanka Shiinaha oo ah waddanka ugu horumarka iyo dhaqaalaha badan dunida, isagoo sheegay in uu halkaasi ka taliyo hal xisbi keliya.

“Soomaalida waa dad qabiili ah, wexeyna kari waayeen iney qabiil ka guuraan oo qaran u guuraan. Waa dad doonaya iney isku dhafaan nidaamka qabiilka iyo nidaamka qaranka,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cosoble.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran;

Wanaagga nidaamka halka xisbi waxaa tusaale kuugu filan waddanka China oo ah waddanka ugu horumarka iyo dhaqaalaha badan dunida.

China Communist Party (CCP) waa xisbiga keliya ee ka taliya China. China ma aha waddan uu keli talis xukumo oo ah sawirka dacaayadda ah ee ay reer galbeedka ka bixiyaan, tusaalena waxaa kuugu filan iney sannadkii tiro gaareysa 200 malyan dalxiis u aadaan wadammada reer galbeedka ayagoo ka dhoofaya waddankooda, mana uu jiro hal qof oo Chinese ah oo baxsada ama iska dhiiba waddan kale. Hadduu keli talis heysto waxaa dunida lagu arki lahaa ciyaartoy iyo mas’uuliyiin Chinese ah oo nabadgelyo weydiisanaya caalamka.

Soomaalida waa dad qabiili ah, wexeyna kari waayeen iney qabiil ka guuraan oo qaran u guuraan. Waa dad doonaya iney isku dhafaan nidaamka qabiilka iyo nidaamka qaranka.

Labada nidaam wexey ku tartamaan shacabka sidaa awgeedna ma aha laba nidaam oo iska barbar shaqeyn kara.

Dunida horusocodka ahna markey is barbar dhigtay labada nidaam wexey dooratay nidaam qaran. Hase ahaatee Soomaaliya waxaa ku gacan sarreeya nidaamka qabiilka ee aan oggoleyn nidaamka qaranka.

Waxaa lagu guda jiraa dib u eegista dastuurka. Waxaa la rabaa in la soo saaro dastuur qaran, waxaa ayaan darro ah dastuurka waxaa gacanta ku haya wakiilladii ay qabiillada soo dirsadeen, waxaana gadaal u fadhiya oo eegaya qabiilkooda oo berri kula xisaabtami doona sidii ay u ilaaliyeen danaha qabiilka.

Wakiillada qabiilka (xildhibaanada) kuwooda aanan dooneyn in laga gudbo qabiil oo loo gudbo qaran aad ayey u dhibeysaa inuu dalka yeesho 2 xisbi wexeyna door bidayaan inuu reer walba yeesho xisbi gaar ah.

Wakiiladan waxaa kale oo ay aad u diidan yihiin in la baabi’iyo jagada wasiirka koowaad dalkana uu yeesho madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Diiddadooda salka kuma heyso waddaniyad iyo qaran dhisid ee wexey difaacayaan danaha loo soo igmaday ee qabiilka.

Wakiilladan wexey iska indha tirayaan dhibaatadii dowladda soo gaartay xilligii uu madaxweynaha ahaa Cabdullahi Yusuf (aun) ra’iisulwasaarena uu ahaa Nuur Cadde (aun) iyo xilligii madaxweyne Farmaajo ee uu ra’iidulwasaaraha ahaa Rooble.

Wakiilladan wexey rabaan in mar kasta ee uu dalka galo xaalad adag, iney la kala saftaan madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha oo ay qaska iyo fowdada daba dheeraadaan si uu qabiilka u soo laba kacleeyo.

Balse waxaan aaminsanahay iney baarlamaanka ka tirsan yihiin tiro aad u badan oo xildhibaano ah oo muddo aad u dheerba arkaayay cilladda Soomaaliya heysata kuna guuleysan doonaan meel marinta hal hoggaan oo dalka lagala xisaabtamo iyo laba xisbi halka uu reer walba ka yeelan lahaa xisbi u gaar ah, walow aan aniga door bidi lahaa hal xisbi oo sida China hormariya Soomaaliya.

Xildhibaannada qabiil diidka ah ee qaran doonka ah ayaa ka badan xildhibaannada qaran diidka ah ee qabiil doonka ah.

The post Cosoble oo arrin cusub ku biiriyay doodda wax ka beddelka dastuurka dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this