Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta go’aanka uu maanta Golaha Ammaanka QM ka qaadanayo xayiraadda hubka

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-Ammaanka-scaled.jpg?fit=2560%2C17

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcaha maanta ah waxaa lagu wadaa in uu go’aan ka gaaro qaadista cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran sanadaha badan, waxaana la filayaa in laga qaado.

Dowladaha Golaha Ammaanka ee QM oo 15 dowladood ka kooban ayaa maanta ansixinaya laba qaraar oo ay u soo gudbisay dowladda Ingiriiska, oo ku baaqaya in Soomaaliya si buuxda looga qaado cuna-qabateynta hubka ee saaran, si dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u hesho fursad ay ku soo iibsan karto hub casri ah ama dalka loo geyn karo.

Golaha Amaanka ayaa cuna-qabateynta saaray Soomaaliya sanadkii 1992-kii, si loo joojiyo qul-qulka hubka gali jiray gacanta hoggaamiye kooxeedyadii xukunka ka tuuray madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, taasi oo keentay in dalka lugaha la galo dagaal sokeeye oo daba dheeraaday.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan codsatay in laga qaado cuna-qabateynta hubka, si loo qalabeeyo ciidamadeeda loo diyaarinayo inay masuuliyadda amniga dalka kala wareegaan kuwa Midowga Afrika ee ATMIS, oo waddanka ka baxaya bisha December sanadka soo aadan ee 2024-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo toddobaadkan bilowgiisi ka hadlayay furitaanka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in horraanta bisha December Soomaaliya laga qaadayo cuna-qabataynta hubka ee sanadaha badan saarna dalkeenna.

“Bisha December asbuuca ugu horreeya cuna-qabateynta hubka ayaa dhamaanaya Insha Allah. Bisha December 13-keeda deyn cafinta ayaa iyadna dhamaan doonta haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ma uusan cadeyn in dowladda ay ballan-qaad ka heysato dalalka 15-ka ah ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobay, kuwaasi oo maanta lagu wado in ay qaraar ka gaaran cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran.

Soomaaliya ayaa hadda ku jirta marxalad dib usoo kabasho ah, kadib muddo sanado ah oo dagaal, fowdo iyo kala dambeyn la’aan kusoo jirtay, ayada oo dowladda hadda dalka ka jirta ay ku guuleysatay in Bulshada Bariga Afrika lagu biirayo Soomaaliya.

The post Xogta go’aanka uu maanta Golaha Ammaanka QM ka qaadanayo xayiraadda hubka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this