Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Ogaal oo soo Dhaweysay Go’aankii Shirkii Habarjeclo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Ogaal oo soo Dhaweysay Go’aankii Shirkii East Burco Clan

IMG-20231130-WA0003.jpg

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka OGAAL, Rooda Cabdi Muuse ayaa bogaadisay go’aamadii shirkii beelaha East Burco Clan ay ka soo saareen Burco.

Sidaasna waxay ku sheegtay qoraal ay soo saartay oo u dhignaa sidan:-

“Waxaan si mugleh u bogaadinayaa Shirweynihii Beelaha Habrjeclo ee TALOWADAAG ee lagu qabtay magaalada Burco qodobadii kasoo baxay iyo Dardaarankii cuslaa ee Suldaanka Guud Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali.

Sidoo kale waxan si karaamo leh u taageerayaa doodii, dareenkii, dardaarankii iyo go’aamadii ka soo baxay shirka Beelweynta East Burco Clan oo ay ku go’aamiyeen inay difaacaan deegaankooda, dadkooda, dalkooda iyo qaranimada Soomaliland, meelna ugasoo wada jeestaan iyagoo isku duuban gudo iyo dibadba.

Siyaasadda OGAAL waxa tiir dhexaad u ah adkaynta nabadgalayda iyo difaaca dalka, waxaan usoo jeedinayaa shacabka reer Somaliland inay midoobaan oo gacmaha is qabsadaan.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this