Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta doon laga leeyahay IRAN oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Doon.png?fit=1302%2C627&ssl=1

Qandala (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay doon nooca kalluumaysiga ah oo laga leeyahay Iran lagu afduubtay maamulkaasi, gaar ahaan aagga degmada Qandala ee gobolka Bari.

Guddoomiyaha degmadaasi Axmed Yuusuf Khuurshe oo u warramay VOA ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday doontaasi, isaga oo sheegay in kaxeysteen rag burcadbadeed ah.

Axmed Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in doonta oo dhameysatay shaqadeeda ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen rag isa soo abuulay, kadibna ay sidaas ku afduubteen.

“Doon Qandala aageeda joogtay oo shaqadeydii dhammeysatay, waardiyihiina uu kasoo degay oo safar ah ayaa niman abaabulan oo qoryo wata oo burcadbadeed lagu tilmaamay ay doontaas la wareegeen oo ay kaxeysteen” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Qandala.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Arrimo burcadbadeed ayaan uga shakisanahay doontaas, maalmihii u dambeeyayna waan helaynay Report-kooda, waxaana 100% xaqiijinay in nimankaas aysan ahayn wax iska abaabulay Qandala iyo aageeda”.

Guddoomiyaha maamulka degmada Qandala oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in doonta ay ahayd mid si sharci ah uga kalluumaysaneysay xeebaha Puntland, isla-markaana la afduubtay dhammaan shaqaalihii saarnaa doontaasi.

“Doontu waa doon Iran ah oo kalluumeysato ah oo waxaa weeye guddoontay shatiga xeebahana si sharci ah ku joogtay, marka shaqaalihii saarnaa iyo doontii oo dhammeystiran waa ay kaxaysteen” ayuu mar kale yiri Axmed Yuusuf Khuurshe.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ciidamada Badda ee maamul goboleedka Puntland ay ku bexeen arrintaas, isla-markaana ay rajaynayaan in laga dabo tego afduubayaasha.

“Waxaan jecelnahay ciidamada amniga oo hadda howlgal fuliyay inay soo afjari doonaan ama ay keeni doonaan, kadibna aan si faahfaahsan uga warbixin doono” ayuu yiri.

Si kastaba, waa doontii labaad ee kalluumaysi oo Iran ay leedahay, taas oo laba todobaad gudahood koox burcad ay kaga afduubtaan bariga Soomaaliya.

Maalmo kahor ayay sidoo kale ahayd markii shan nin oo ay qabteen ciidamada Mareykanka lagu helay afduubka markab ganacsi oo lagu qabsaday meel u dhow xeebaha dalka Yemen, isla-markaana loo maleeyay inay weerkaas gaysteen kooxda Xuutiyiinta, balse waxa ay noqdeen Soomaali,sida ay shaaca ka qaaday wasaarada gaashaandhiga dalka Mareykanka.

The post Xogta doon laga leeyahay IRAN oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this