Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Siciid Sulub oo Dhagax Dhigay Dhismeyaal Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20231129-WA0023.jpg

Wasiir Siciid Sulub oo Dhagax Dhigay Dhismeyaal Cusub

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer miyiga Siciid Sulub Maxamed ayaa dhagax dhigay Dhismaha Mashruuca Barwaaqo ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Markaana Ay dhisaysay shirkadda dhismaha Al karaama Constraction & Constract Company.

munaasibadda lagu dhagax dhigayey Mashruuca waxa goob joog ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda, madaxda Mashruuca Barwaaqo iyo Qaar ka mida Agaasime waaxedyada Wasaaradda.

Ugu horayn Waxaa Madasha ka hadlay Ibraahin Cumar Cismaan Cabdiqaadir Maxamed Guuleed oo ka socday Mashruuca Barwaaqo kanna waramay dhismayaasha la dhagax dhigayo iyo faa’iidada Mashruuca Barwaaqo oo qaranka waxtar u leh iyo dadka ka faa’iidaysanaya Mashruuca Axmed Maxamuud Cismaaan oo ka socday ayaa ballan qaday inay hirgalin doonan dhisme tayo leh kunna dhamayn doonan wakhtiga loo qabtay dhismaha xarunta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo Horumarita Reer Miyiga waxaannu sheegay in dhismahani wax ka tari doono baahiyaha wasaaradda lagunna adeegi doono bulshada.

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Siciid Sulub Maxamed isaga oo ka waramay qaabka dhismaha iyo sida ay uga faaiidaysan doonan mashruucan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this