Deeq A. Posted November 30, 2023 Shirkii Daneeyeyaasha Carruurta oo lagu Qabtay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Md Saleebaan Warsame Guuleed ayaa maanta furay shirkii bilaha ahaa ee daneeyayaasha bahda caddaaladda caruurta (Justice for children thematic work group) Ujeedada Shirka ayaa ahayd in lasoo bandhigo xogtii laga soo uruuriyey saldhigyadda booliska iyo Xabsiyadda Dalka. Sidookale Waxa Lagu Falanqeeyey xogtii laga soo uruuriyey xabsiyadda iyo saldhigyadda ee jamhuuriyadda somaliland. Shirkan oo ay bil walba qabato wasaaradda caddaaladda JSL ayaa diradda lagu saraa sidii loo yarayn lahaa danbiyadda ay galaan caruurta sharciga khilaafta isla markaana xadhigood loogu badali lahaa xarumo dhagan celineed oo wax lagu baro si loo helo caruur bad-qabta. Waxana Kulankaa Kasoo Qaybgalay Xubno ka socday Wasaarada Arimaha Gudaha, Maxkamada Sare, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Wasaaradda Ciyaaraha, Booliska, Clidanka Asluubta, Xeer ilaalinta, MESAF, HAVAYOCO ,UNICEF , UNSOM, BAAHI-KOOB, KOMISHANKA XUQUUQUL INSAANKA, AWDO, S.Y. PEER & Gudida Xaafadaha, Badiba Gudida Xaafadaha Caasimada Hargaisa & Social Workers. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites