Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beenebeene oo ka warbixiyay xaalad daran oo uu dhowaan kusoo arkay…

Recommended Posts

Deeq A.   
bEENE-BEENE.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa ka warbixiyay wixii uu kusoo arkay deegaanada Jubbaland, oo xaalad adag ay ka taagan tahay.

Wasiir Beene-beene oo khudbad ka jeediyey maanta xarunta Golaha Shacabaka ayaa waxa uu marka hore sharaxaad ka bixiyey xaaladda guud ee dalka iyo saameynta roobabka inta ay gaarsiisan tahay, isaga oo sheegay in aan la qiyaasi karin saameynta ka dhalatay roobabka guga ee dalka ka da’ay.

“Inta aan dadka u tageynay maydad biyaha wadaan ayaa meelaha qaar laga qabanayey oo ah meelihii biyaha go’doomiyeen oo ay ku dhinteen, halka inta soo hartay aysan heysan dhar, guryo iyo biyo nadiif ah,” ayuu yiri Wasiirka oo ka warbixiyey socdaal uu ku tegay deegaanada magaaladda Kismaayo ku xeeran, oo si siman fatahaadda Webi Jubba u gaaray, meelaha qaarne dad ugu dhinteen.

Maamulada sida saa’idka ah uu u saameyeen daadku ayuu ku sheegay Jubbaland, Koofur Galbeed iyo HirShabeelle oo gobolada labada webi maraan.

Sidoo kale waxa uu xaalka magaaladda Buula-burte uu ku tilmaamy mid aan la qiyaasi karin oo boqolkiiba sagaashan (90%) ay biyuhu xadigii saxda ahaa kor u dhaafeen, dabooleenne Aafar ka mid ah 5 ceel-biyood oo magaaladdu laheyd.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay wasiirka Qorsheynta XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene in ay u gurmadaan oo garabsiiyaan walaalahooda ay saameyeen fatahaadaha iyo daadka ka dhashay roobabka guga ee dalka ka da’ay.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda El-Niño, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay iskugu darsameen gobolkaasi.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een iyo Garbahaarey oo iyadna xaalad adag gashay.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA.

The post Wasiir Beenebeene oo ka warbixiyay xaalad daran oo uu dhowaan kusoo arkay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this