Deeq A. Posted November 29, 2023 Mareykanka ayaa salaasadii u soo diray Masar saddexdii diyaaradood ee ugu horreeyay oo gargaar bini’aadannimo u wada Gaza, isagoo ballan-qaaday inuu caawinayo Falastiiniyiinta inta lagu guda jiro xabbad-joojinta Xamaas iyo Israa’iil oo xulafada la ah Mareykanka. Duulimaadyada gargaarka ee siday cuntada, sahay caafimaadka iyo dharka qaboobaha ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee oo ay leeyihiin militariga Mareykanka oo siday gargaar tan iyo markii ay billaameen weerarrada Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar. Duulimaadyada ayaa billaamay maalin uun kadib markii madaxweyne Joe Biden uu sheegay inuu uga faa’iideysan doono kordhinta xabbad joojinta si uu gargaar badan u keeno Gaza, iyo iyadoo dadaallada caalamiga ah ay sii wadaan inay sii kordhiyaan xabbad-joojinta. “Baahiyaha bini’aadantinimo ee Gaza waxay dalbanayaan in beesha caalamku ay wax badan ka qabato. Maraykanka waxaa ka go’an dadaalkan,” ayuu warsaxaafadeed uu soo saaray ku yidhi Jake Sullivan, la taliyaha amniga qaranka Mareykanka. Source Share this post Link to post Share on other sites