Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo markale ku baaqay Joojinta dagaalka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Salaasadii markale ku baaqay in gebi ahaan la joojiyo dagaalka Gaza.

Antonio Guterres ayaa sheegay in xabad-joojinta maalmaha ah ay tahay tallaabo fiican balse ayna xal u noqon doonin dhibaatada bini’aadamnimo ee ka jirta Gaza.

Xoghayaha guud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dagaalka la joojiyo si deeq ku filan loo gaadhsiiyo dadka ku tabaaleysan Gaza.

Dagaalka Gaza oo billaamay 7dii Oktoober ayey Israel ku dishay in ka badan 15.000 qof oo ay ku jiraan 6.150 caruur ah iyo 4.000 haween ah.

Xamaas ayaa dhankeeda weerarkii ay ku qaaday dhulka Israel heysato ku dishay 1.200 qof oo isugu jira shacab iyo askar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this