Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay waxa uu ka dhashay qaraxii Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
Booliska-Puntland.jpg?fit=954%2C960&ssl=

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa war kasoo saaray qarax maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Booliska ayaa sheegay in ay ku dhaawacmeen saddex dhalinyaro ah, wuxuuna shaaciyay in qaraxa uu ka dhashay xabad nooca loo yaqaan (37), oo ay dhalinyarada ku qar-qaraaceen agagaarka wadada ka tagta Saldhiga Galbeed ee aada Bixin ee magaalada Garowe.

Saddexda dhalinyaro ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa sida uu shaaciyay Booliska waxaa lagu kala magacaaba;

  1. Ana’s Ahmed Jaamac
  2. Ahmed Jaamac Cabdi
  3. Ayuub Cawil Cali

Booliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay socoto baaris ay wadaan waaxda miina baarista ee Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Gobolka Nugaal ay wadaan baaritaano dheeri ah oo la xiriirta dhacdadaas iyo waxa sabababay.

Saddexda dhalinyaro ee dhaawaca ayaa waxaa la dhigay isbitaalka, iyaga oo qaba dhaawacyo fudud, sida ay warbaahinta u sheegeen qoysaskoodu.

The post Puntland oo shaacisay waxa uu ka dhashay qaraxii Garowe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this