Sign in to follow this  
Deeq A.

Ducaale oo farriin u diray Xasan Sheekh, mucaaradka iyo xildhibaanada

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_6187.jpeg?fit=870%2C853&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) –

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa soo saaray qormo uu ciwaan uga dhigay “Tallooyin Qaran oo ku socda Madaxweynaha, Madaxdii Hore, Mudanayaasha Baarlamaanka.”

Xildhibaan Islow ayaa ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyey in shaqada uu hayo uu daacad ka noqdo, sida wax ka bedelka dastuurka iyo dagaalka Khawaarijta, maadaama uusan u dhimanayn mansab dambe oo uu sii raadiyo.

Farriinta labaad wuxuu Xildhibaan Maxamed Abuukar u diray madaxweynayaashii hore iyo siyaasiyiinta kale ee hadda aan ku jirin xukuumadda, wuxuuna kula taliyey inay dowladda kala shaqeeyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa guulaha la hiigsanayo.

Farriinta 3-aad wuxuu Islow u diray baarlamaanka, wuxuu kula taliyey inay joojiyaan is kala qeybinta, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka dalka oo baarlamaankii hore uu ku fashilmay inuu ka shaqeeyo.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa ka dalbaday xukuumadda, baarlamaanka iyo cid kasta oo awooda inay u gurmato dadka ay saameeyeen fatahaadaha dalka ku dhuftay.

Hoos ka aqriso qoraalka Islow oo dhameytiran:

Bismillaahi, Salaan kadib..

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa xilligan xasaasiga ah tallooyin muhiim ah oo ku saabsan Xaaladda dalka, kuwaas oo toos ugu socda dhinacyada aan kor kusoo sheegay, waxaan ku bilaabayaa:

FARRIINTA KOOWAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH. Mudane Madaxweyne sida aad hore u sheegtay waxaad tahay mas’uul laba jeer Madaxweyne dalkan ka noqday oo Darajo aysan u harsaneyn, haddana doonaya inuu dalka iyo dadka uga tago taariikh.

Waxaa ku hor yaallaa howlo Qaran oo ay ugu muhiimsan yihiin: Dagaalka Alshabaab oo aad bilowday iyo Dhammeystirka Dastuurka KMG ah, Deyn cafinta,  sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabateyta Hubka,  iyo Xoojinta Hay’adaha Dowladnimada.

Adigoo ku mahadsan dagaalka Alshabaab ee aad dadaalka gelisay, waa inaad dhammeystirtaa oo horseed u noqotaa in caddowgaas dalka laga xoreeyo oo aanu nala dhaafin muddo xileedkan.

Dhammeystirka Dastuurka oo muddo dheer aan lagu guuleysan, waa inaad Madaxweynow u wajahdaa Danta guud ee Qaranka darteed, kana ilaalisaa dano gaara ah. Wax ka bedelka Dastuurka, Qaab dhismeedka dowladda iyo Doorasho guud waa arrimo Qaran oo ka weyn rabitaanka Madaxweyne markaas xilka jooga.

Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh kula talinayaa inuu dhammeystirka Dastuurka iyo wax ka bedelkiisa daacad ka noqdo.

FARRIINTA LABAAD

Farriinteyda Qaran ee labaad waxay ku socotaa Madaxdii hore ee dalka, Mas’uuuliyiinta xilalka soo qabtay iyo Siyaasi kasta oo doonaya inuu qabto xilalka dalka ugu sareeya ee hadda ka horjeeda qaabka ay hadda wax u socdaan.

Walaalayaal, Madaxweyne, kasta ama mas’uul kasta wuxuu qeyb ka ahaa Geediga dowlad dhiska dalka ee weli socda, wuxuuna fursad u helay inuu dalka wax ka hoggaamiyo, balse nasiibdarro wuxuu ka tegay iyadoo Dowladnimada Soomaaliya weli cagaheeda isku taagin.

Mas’uulkasta oo hore xil usoo qabtay wuxuu isku dayay, dadaalna u galay inuu isbedel ka sameeyo dhinacyada Amniga, Doorashooyinka, Dastuurka iyo dhinacyo kale oo badan, laakiin waxaa xaqiiqo ah in mar kasta Maamul Goboleedyo ama Siyaasiyiin ay mucaarad ku ahaayeen.

Waxaa nasiib darro waxaa caado noqotay Mas’uul kasta mucaarad ku noqdo Madaxda ka danbeysa xitaa haddii ay wadaan isla Qorshihii uu isagu hore u doonayey inuu hirgeliyo markii uu xilka hayey, ujeedkiisuna yahay oo kaliya inuusan guuleysan madaxweynaha markaas joogo, taasoo Siyaasadda Soomaaliya ka dhigtay natiijo la’aan lugaha la is wada heysto.

Saaxiibayaal aan wax isu ogolaano, dalkana u turno, cid kastoo talada heysana aan u siino fursad ay dalka hore ugu wado iyadoo laga fiirinaayo Danta guud ee Qaran darteed. Dowladnimadana waa qori isu dhiib qofka shaley joogey maanta ma joogo, midka maanta  joogana Berri ma joogi doono.

FARRIINTA SADDEXAAD

Farriinteyda Saddexaad waxay ku socotaa Saaxiibadey Mudanayaasha Baarlamaanka Labada ee Gole BFS.

Walaalayaal, waxaan metelnaa codka shacabka, haddana xaalad kasta oo siyaasadeed iyo muddo xileed kasta waxaan la kala safannaa dhinacyada iska soo horjeeda ee ajendayaasha kala duwan leh.

Waxaa iga talo ah inaan u midowno Danteena guud, raacno tilmaamaha Dastuurka Qodobadda 136, 137, marka laga hadlayo wax ka bedelka iyo dhammeystirka Dastuurka KMG.

Haddii la helo Mudanayaal xilku dhibayo oo Danta Guud kaliya ka shaqeynaya, waan hubaa inaan dalka ka gudbin karno xaaladda uu ku jiro.

Xildhibaannada waxaa fashil ugu filan in Baarlamaanka 11-aad uu waqtigiisa dhammaado iyadoo Dastuurkii KMG ahaa ee lagu dhisay Baarlamaankii 9-aad aanu dhammaan.

Mar kale Mudanayaal aan u midowno Danaha Dalka iyo Dadka Dartood, una shaqeyno si aan uga qeyb qaadano horumarinta dowladnimada.

UGU DAMBEYN

Mudanayaasha BFS waxaan usoo jeedinaaya inaan u istaagno gurmadka loo sameynayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha ELNINO.

Gurmadka shacabka waxaay waajib ku tahay qof walbo oo Soomaali ah ay ugu horeeyan Xukumada iyo mudanayaasha  Labada Gole.

Mahadsanidiin

The post Ducaale oo farriin u diray Xasan Sheekh, mucaaradka iyo xildhibaanada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this