Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Gobolka Mudug oo hooyadeed ku wareejiyay gabar yar oo la soo xaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa u mahadceliyay Ciidamada Booliska Gobolka Mudug oo ka qayb qaatay wareejinta Gabar hal sano iyo bar jirta oo laga soo xaday hooyadeed.

Gabadha yar oo lagu magacaabo Sihaam Cabdi Axmed oo laga soo xaday Hooyadeed Ebyan Cali Cumar Waxaana Soo Xaday Maxamed Mooryac Xasan oo hadda ku jira Gacanta Booliska.

Gabadhaas oo lagu kala wareejiyay Xafiiska Guddoomiyah Gobolka oo Gabadha lagu xanaanaynayay isla Guriga Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali inta Hooyadeed aan lagu wareejin ka hor.

Hooyada ayaa ka mahadcelisay in markale aya gabadheeda hesho waxaa kaloo xusid mudan ehelada ninka gabadha soo xaday oo ka qayb qaatay helitaanka Gabadhaas lasoo xaday.

PUNTLAND POST

The post Booliska Gobolka Mudug oo hooyadeed ku wareejiyay gabar yar oo la soo xaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this