Sign in to follow this  
Deeq A.

Doonni Kalluumeysi oo lagu af-duubtay xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1701265730650.jpg?resize=677%2C38

Wararka ka imaanaya xeebaha gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay halkaasi lagu af-duubtay doonni nooca kalluumeysiga ah.

Doonnida Kalluumeysi ayay koox burcad-badeed ah ka qafaasheen xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari sida laga soo xigtay warar lagu kalsoon yahay.

Weli lama shaacin magaca doonta la af-duubtay iyo tirada shaqaalaha saaran midna waxaase la xaqiijiyay in ay tahay doonni nooca kalluumeysiga ah.

Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa sidoo kale la sheegay in ay hawlgal ugu baxeen xeebta lagu af-duubtay doonta inkastoo aysan weli war rasmi ah ka soo saarin.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee lagu af-duubto doonni kalluumeysi waxaana ka horraysay doonni kalluumeysi oo dhawaan laga qafaashay xeebta degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

PUNTLAND POST

The post Doonni Kalluumeysi oo lagu af-duubtay xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this