Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Danbiyada ICC oo si rasmi ah u xidhay Kiiskii Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada ICC ayaa Isniintii shaacisay inay gebi ahaan xidhay baadhitaankii danbiyadii dhacay doorashadii Kenya 2007-2008.

Rabshadihii 2007-2008 ka dhacay dalka Kenya ayaa lagu eedeeyey siyaasiyiinta uu ku jiro Madaxweynaha hadda xilka haya William Ruto.

Rabshadaha xilligaasi ka dhacay Kenya ayey ku dhinteen in ka badan 1.200 qof.

Sidoo kale Madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta ayaa kamid ahaa xubnaha ay maxkamadda dacwada kusoo oogtay.

Hase yeeshee dacwadaha ku saabsan labadaasi hoggaamiye ayaa fashilmay kadib markii la waayey markhaatiyashii.

Waxayse Maxkamada weli baadhitaan ku waday xubno kale oo kamid ahaa kuwii danbiyada kicinta shacabka lagu eedeeyey.

Xubnahaasi ayaa waxaa kamid ahaa suxufiyiin; Joshua Arap Sang iyo Walter Barasa iyo Qareeno Paul Gicheru iyo Philip Kipkoech Bett.

Dacwad oogaha Maxkamada ICC, Nazhat Shameem Khan ayaa qoraal uu soo saaray Isniintii shalay ku sheegay in kiiskan si rasmi ah loo xidhay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this