Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog Ururin Lagu Sameeyay Jaamacadaha Culuumta Caafimaadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog Ururin Lagu Sameeyay Jaamacadaha Culuumta Caafimaadka

IMG-20231128-WA0000.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta soo qaban qaabisay kulan balaadhan oo lagu eegayay maxsuulkii iyo natijadii kasoo baxday xog-ururin lagusoo sameeyay Jaamacadaha dalka ee bixiya Culuumta Caafimaadka gaar ahaan dhakhaatiirta,
Si loo hubiyo inay bilaabeen hirgellinta manhajkii Cusbaa ee loo diyaariyay in lagu tababaro dhakhaatiirta.

Kulankan ayaa waxaa furitaankiisa goob-joog ka ahaa, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha Komishanka Tacliinta Sare, Agaasimaha Komishanka Xakamaynta Xanuunka HIV/ADIS-ka, Agaasimaha Mihnadlayaasha Caafimaadka, Madaxa Haayadda THET, Madaxa Kings Glopal Health Partnership, Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha, Mudan iyo Marti Sharaf kale.

Masuuliinta kasoo qayb-gelay Kulankan oo dhamantood hadalka iska daba qaatay ayaa bogaadiyay Xog-ururintan iyo in la helo Manhaj ay ku midaysan yihiin Jamaacaddaha bixiya Culuuta Caafimaadku si kor loogu qaado aqoonta ay qaadanayaan Ardaydda baranaysa Caafimaadka gaar ahaan Dhakhaatiirta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo kulankan hadalo kala duwan ka jeediyay ayaa dhankiisa sheegay in ay muhiim tahay helida manhaj midaysan oo ay isticmaalan Jaamacaddaha kala duwan ee dalka ee bixiya Culuumta Caafimaadku, isagoo u mahadceliyay Jaamacaddaha ilaa hadda isticmaalay manhajkan cusub, isagoo kuwa aan ilaa hadda isticmaalin ugu baaqay inay isticmaalan maadaama oo ay Jaamacadduhu yihiin kuwa soo saara dhakhaatiirta kala duwan ee u adeegaya Bulshadeena.

Manhajkan ayaa waxaa si wada jir ah iskaga kaashaday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Hay’adda THET iyo Hay’addaha kale ee ay Wasaaradda wada shaqaynta leeyihin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this