Sign in to follow this  
Kamalu Diin

USC/ICU WARRIORS BECOME SUICIDE BOMBERS

Recommended Posts

Maleesiyada Maxaakiimta Muqdisha iyo Qaraxii aragagaxa ahaa .

 

 

Midowga Maxaakimiinta ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta Qorshe Qarax ah oo argagax leh ka fuliyay irida hore ee laga soo Galo Magaalada Baydhabo iyo bar Koontorool ahayd oo ay Markaa ku sugnaayeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo iyagu Markiiba Gartay in Gaarigu uu siday Miinooyin.

 

 

Ilo xog ogaal ah oo magaalada Baydhabo ku sugan Warbixin dheerna naga siiyay qaabka ay wax u dhaceen ayaa inoo sheegay in Gaariga Qarxay ay saarnaayeen 4 nin oo iyagu ka yimid Magaalada Muqdisho, una yimid Magaalada Baydhabo inay naftoodana haligaan, Madax iyo Shacab soomaaliyeed oo Magaalada Baydhabo ku sugana naftooda gooyaan, waxaana Ciidankaa markaa gaariga istaajiyay oo kala ahaa nin Ciidanka Nabad sugida ka tirsan iyo nin Ciidanka Booliska ka tirsan ay markiiba dareemeen in ragaan 4ta ah ee Gaariga saaran ay wax ka khaldanyihiin, waxaana ay ka codsadeen inay gaariga banaanka uga soo baxaan.

 

 

 

Balse ragaan argagixisada ahaa ayaa go’aansaday inay barnaamijkooda ku fuliyaan goobta askartu ay ku istaajisay oo iyadu ahayd Kontoroolka Magaalada Baydhabo laga soo galo, waxaana ay markiiba taabteen Remote Controlka bamka ay siteen, balse waxaa markiiba gaariga banaanka uga booday laba nin oo ka mid ahaa ragii u yimid inay is qarxiyaan.

 

 

 

Nasiib daro ilaahay ha u naxariistee labadii Mujaahid ee Istaajisay Argagaixisada meeshii ayay ku nafwaayeen, waxaana nasiib wanaag gacanta lagu dhigay labadii nin ee Gaariga ka dhex booday oo midkood lugaha laga dhaawacay, iyada oo ayaandaro ay Qaraxaasi galafsatay laba baabuur oo ay saarnaayeen shacab ka yimid magaalada Muqdisho oo ku socday Magaalada Baydhaba, waxaana wararku intaas ku darayaan in dadkii rayidka ahaa ee baabuurta kala saarnaa ay ka dhinteen 4 qof.

 

 

 

Horey ayay Midowga Maxaakimiintu u sheegeen inay Argagixisada aduunka ku casumayaan magaalada Muqdisho, si ay uga qayb qaataan dagaalka jihaadka ah ee ay iclaaminayeen bilihii aanu soo dhaafnay.

 

 

 

Isku soo wada duuboo horey ayay Midowga Maxaakimiinta Muqdisho isugu dayeen inay ismiidaamin ku khaarajiyaan madaxwaynaha soomaaliyeed mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed, balse ilaahay amarkiis kuma aysan guulaysan, waxaana la filayaa qaraxyadaan danbe ee lala beegsanayo saldhigayada Dowlada Federaalka ah iyo Shacabka Gobolka Baay, iyo Madaxda soomaaliyeed inay sababi doonto dhibaato intaa ay gaysteen ka wayn oo u sharciyaynaysa Dowlada Federaalka ah inay ka fuliso Koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this