Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni oo si yaab leh uga hadlay xiisadda ka taagan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
deni.jpeg?fit=1384%2C1206&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi cusub bixiyay ayaa si yaab leh uga hadlay xiisadda arrimaha doorashooyinka ka dhalatay ee ka taagan maamulkaas, gaar ahaan magaalada Garoowe.

Saciid Deni ayaa wareysi uu siiyay Hanoolaato wuxuu ku sheegay in aad loo buun-buuniyay xaaladda nabad-galyo ee ka dhalatay ismari-waaga siyaasadeed ee u dhaxeey isaga iyo mucaaradka Puntland.

Inkasta oo uu garawshiyo ka bixiyay saameynta iyo walaaca dadka ka qabaan arrinta, haddana waxa uu sheegay in dadka lagu barakiciyay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulsahda.

“Waxaa aad uga walaacsanahay dhibaatada ay dhaliyeen wararka been abuurka ah ee lagu faafiyay Social Media-ha,” ayuu yiri Saciid Deni oo sheegay in xaaladdu degan tahay oo aysan jirin xaalad aloosan oo ay degan tahay xaaladda caasimada Puntland ee Garoowe.

“Haddii khilaaf iyo is af-garan waa’ uu jirina wada-hadal iyo in miiska dushiisa lagu xaliyo ayaa rejaynaynaa,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo hoos u dhigay xiisadda ka dhalatay arrimaha doorashooyinka maamulka.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dad reer Puntland ay u istaageen xaaladda sidii loo dajin lahaa, isaga oo meesha ka saaray in ay jirto nabad-galyo darro iyo cabsi dagaal oo ka taagan gudaha maamulka.

Si kastaba, Mucaaradka iyo maamulka Deni ayaa isku-mari la’ nooca doorasho ee maamulkaasi, iyada oo mucaaradka uu rabo inay ku qabsoomto hanaankii hore ee ku yimaadeen madaxda hadda joogta, halka Deni uu rabo taasi beddelkeeda.

Arrintan ayaa sidoo kale keentay inay shacab fara badan ka baracakaan guryahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale uu dagaal culus ka dhaco halkaasi.

Dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa loogu baaqay inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, uguna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka.

“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”

The post Saciid Deni oo si yaab leh uga hadlay xiisadda ka taagan Garoowe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this