Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Taiwan oo Booqday Wasaaradda Deegaanka Isbeddelka Cimilaďa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Taiwan oo Booqday Wasaaradda Deegaanka Isbeddelka Cimilaďa.

IMG-20231127-WA0000.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada jamhuuriyadda Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale ayaa maanta xarunta Wasaaradda Deegaanka ku soo dhaweeyey Danjiraha Dawladda Taiwan u fadhiya jamhuuriyadda Somaliland Mr Allen iyo xubno kale. Ugu horeyn, Danjire Allen ayaa ku bogaadiyey Wasaarada Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada dedaalada ay wado ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka deegaanka iyo Isbedelka Cimilada dalka Somaliland. Waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyey Wasiir Shugri casuumada ay ka heshay dalka Imaaraadka ee ay kaga qaybgelayso shirka COP-28 oo lagu qabanayo dalka Isu-taga Imaraadka Carabta 30 November ilaa 12 December, 2023. Danjire Allen waxa kale oo uu xusay in dalka Taiwan uu ka qayb-galayo shirkan, isla markaana iska-kaashan karaan Somaliland dedaalada Diblomasiyadeed ee labada dal. Ugu dambayntii Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Agaasime Maxamed Cabdilaahi Ducaale oo iyaguna kulankaasi ka hadlay ayaa safiirka Taiwan iyo xubno wehelinayey uga mahadceliyey bookhashadooda ,iyagoo uga waramay dadaalada wasaaradda deegaanka Somaliland ee ilaalinta deegaanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this