Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Maraykanka oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysan dilka arday Falastiiniyiin ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231127_110144052.jpg?resize=720

Booliska Mareykanka ayaa shaaciyay in ay xireen qof looga shakisanyahay in uu toogtay saddex nin oo dhallinyaro Falastiiniyiin ah.

Toogashadan waxay ka dhacay meel ku dhow xarun jaamacadeed oo ku taal magaalada Vermont ee dalka Mareykanka, sida u sheegay telefishinka CNN.

Saddexda qof ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Hisham Awartani, Kinnan Abdel Hamid iyo Tahseen Ahmed. Waxay wax ka baranayeen saddex jaamacadood oo kala duwan oo ku yaal Maraykanka.

Taliyaha booliiska Burlington Jon Mura ayaa sheegay in laba ka mid ah dhibanayaasha ay xaaladdoodu wanaagsan tahay; Midka saddexaadna waxaa soo gaaray dhaawacyo aad daran.

PUNTLAND POST

The post Booliska Maraykanka oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysan dilka arday Falastiiniyiin ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this