Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex Falastiiniyiin Ah Oo Lagu toogtay Dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur u dooda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan $10,000 ku bixinaya ciddii keenta xog ku saabsan nin toogasho la beegsaday saddex arday oo Falastiiniyiin ah.

Golaha Xidhiidhka Mareykanka iyo Islaamka ee CAIR ayaa sidoo kale ku boorriyay mas’uuliyiinta inay baadhaan “ujeedda” ka dambeysay toogashada, iyagoo tixraacaya “kor u kac aan hore loo arag oo nacaybka iyo rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta si gaar ah Falastiiniyiinta”.

Hisham Awartani, Tahseen Ahmed iyo Kinnan Abdalhamid ayaa nin ku toogtay meel u dhow Jaamacadda Vermont Campus xilli ay u socdeen casho, sida ay sheegeen booliiska Burlington.

Taliyaha booliiska Burlington Jon Mura ayaa sheegay in laba ka mid ah dhibanayaasha ay xaaladdoodu wanaagsan tahay; Midka saddexaadna waxaa soo gaadhay dhaawacyo aad daran.

Booliska ayaa baadigoobaya hadda ninka weerarka lagu tuhmayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this