Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada badda Maraykanka oo badbaadiyay markab lagu af-duuban lahaa gacanka Cadmeed

Recommended Posts

Deeq A.   
20231127638366437402584077.jpg?resize=66

Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa fashiliyay qafaalashada markab ganacsi oo koox burcad badeed ah ay ku weerareen gacanka cadmeed ee u dhow Soomaaliya Axadii shalay, sida ay sheegeen saraakiisha difaaca Mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegay in uu fashiliyay howlgal lagu afduuban lahaa markabka Kiimikada siday ee  Central Park oo ay leeyihiin qoyska Israa’iiliyiinta ah ee Ofer, iyadoo sidoo kale la sheegay in la xiray kooxdii soo weerartay.

Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in laga hortagay labo gantaal oo nooca ballistic-ga ah, oo xalay ay soo tuureen kooxda Yemeniyiinta oo ku dhacay meel 18.5 km u jirta markab Mareykanka laga leeyahay, kaasoo ka jawaabay baaq uu u soo diray markabka Central Park.

“Ma jiro wax khasaare ah ama dhaawac ah oo soo gaaray labada markab inta uu weerarka socday,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Mareykanka.

Shaqaalaha markabka ayaa Axaddii bixiyay digniin ay ku sheegeen in ay weerar kusoo qaadeen burcad badeed, xilli ay marayeen gacanka cadmeed, oo qiyaastii 54 mayl-badeed u jirta xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay Zodiac, oo ah sarkaal katirsan ciidanka Maraykanka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay in wax badan aan laga ogeyn dhacdada weerarka, iyagoo ku tuhmaya in Iran ay ku lug leedahay, ama uu xiriir la leeyahay xiisadaha gobolka oo sii xoogeystay tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oct.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada badda Maraykanka oo badbaadiyay markab lagu af-duuban lahaa gacanka Cadmeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this