Sign in to follow this  
Deeq A.

Xundubey oo shaaciyey labada caqabad oo hortaagan qorshaha Xasan ee dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xundubey.jpg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xasan Xundubey oo si weyn kaga soo hor jeeda qorsha socda ee wax looga bedelayo dastuurka dalka ayaa tilmaamay caqabadaha ku xeeran ee aan la dhaafi kari doonin hadii la qaato nidaam madaxtooyo oo meesha laga saaro doorka ra’iisul wasaaraha.

Xundubey ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu ku madax adeygayo arrin ay muuqato in aysan meel gaari doonin, wuxuu sheegay in nidaamkaan uu horay Maxamed Siyaad Barre uga hirgeliyey Soomaaliya, balse markii uu wadi waayey uu ku qasabanaaday inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare.

“Arrintaan waa mid halis badan waxayna sababi doontaa in Somaliland ay go’do anaga ayaana u sabab ah, sidoo kale Puntland ayaa go’I doonta ama lagu dhibtoo doonaa, marka arrinta wuu Xasan wato ee nidaamka madaxtooyo lagu dhisayo, waa mid aan Soomaaliya lagu maamuli karin,” ayuu yiri Xundubey.

Xundubey oo ka qeyb galay dood uu qabtay TV-ga SMS ayaa sheegay in nidaamkaan uu si gooni ah ugu adeegayo beelaha Mogadishu Clan, isla markaana aysan ogolaa doonin beelaha Dir iyo Daarood.

Wuxuu tusaale u soo qaatay in madashii heshiiskaan lagu gaaray ee golaha wadatashiga qaran aysan metelaad muuqata ku laheyn Puntland iyo Somaliland, taasina ay adkeyn doonto in dalka lagu maamulo nidaam aysan wax ka ogolaan.

Xundubey ayaa Xasan Sheekh ku dhaliilay in mararka qaar uu ku madax adeygo nidaam aan shaqey doonin, isagoo yiri “Tookadii hore waxaa Xasan laga fuji waayey 10 wasiir xukuumad ka kooban, markii ay shaqey weysay ayuu qaatay taladii uu markii hore diiday, waad aragtaan hadda xukuumadiisu waxay ka badan tahay 70 wasiir, marka nidaamkaan waxaa cad in uusan shaqey doonin ee yaan la isku lugoyn,” ayuu yiri Xundubey.

“Madaxweynaha dastuurkaan ayaa lagu shex doortay, xeyndaabka dastuurkaan nagama saari karo, waxa laga rabo waa in dadkaan uu dib u heshiisiin u sameeyo, hadii aan madaxweyne ku xigeen qaadano oo ra’iisul wasaaraha laga gudbo Somaliland nooma soo noqoneyso, anaga ayaana u sabab ah,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay Xundubey in xiligaan aysan munaasab ku aheyn xitaa hadii ay dhaceyso in laga guurayo nidaamka hadda lagu maamulo Soomaaliya, “Hadii aan guureyno howlo culus ayaa loo baahan yahay, madaxweynaha la doortay qorshaha uu wato laguma dooran, markii uu musharaxa ahaa, waxaa laga rabay inuu dadka u sheego hadii uu doonayo inuu wax ka bedelo nidaamka lagu maamulo dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir hore Xasan Xundubey.

Hoos ka daawo

The post Xundubey oo shaaciyey labada caqabad oo hortaagan qorshaha Xasan ee dastuurka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this