Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xilka cusub ee loo wado Maxamed Waare kadib xil ka-qaadistii lagu sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   
Waare-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi.

Xilkaasi ayaa waxaa horey u hayey madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, inkasta oo warqadda magacaabista aan lagu xusin in xilka laga qaaday.

Hase yeeshee Waare ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka, oo uu ugu hambalyeeyey Cumar Xaashi ku qiray inuu isaga beddelay.

“Hambalyo saaxiibkay mudane Cumar Xaashi oo ah Ergeyga cusub ee Madaxweynaha ee Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka. Waxaan rajeynayaa inaan kugula shaqeeyo doorkeena cusub. Xasilinta waxay muhiim u tahay sida dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri Waare.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Waare xilkaas laga beddelay loona wado xil ka sarreeyaa oo ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya aysan laheyn magacaabista xilkan, haddana waxay leedahay inay gudbiso musharaxa, islamarkaana u ololeyso sidii loo magacaabi lahaa loona ansixin lahaa, taasi oo madaxtooyada ay dadaal badan ku bixisay.

Xogta ayaa sheegeysa in IGAD iyo dalalka xubnaha ka ahba ay aqbaleen codsiga Soomaaliya ee ah inay xilkan hesho.

Haddii xilkan uu ku guuleysto, Waare wuxuu noqon doonaa mas’uulkii saddexaad ee Soomaali ah oo xil sare ka haya ururka goboleedka IGAD xilligan.

Waxaa hadda IGAD xil ka haya wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ah ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan la qabsiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, waxaa dhowaan Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Soomaaliya, loo magacaabay Maxamed Kaarshe oo horey usoo noqday wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug.

The post Xog: Xilka cusub ee loo wado Maxamed Waare kadib xil ka-qaadistii lagu sameeyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this