Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo ka soo horjeesatay ku biiradda Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay walaac kaga muujisay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“Waxaanu si xooggan aaminsannahay in go’aankani yahay mid xad-gudub cad ku ah qaranimada, madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliland,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay diidan tahay in Soomaaliya ay ururkaas ku metesho Somaliland.

“Soomaaliya xaq uma laha inay Somaliland ku matasho madal caalami ah iyo mid goboleed toona. Waxaan ugu baaqeynaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo dalalka xubnaha ka ah EAC inay aqoonsadaan madax-bannaanida Somaliland,” ayey tidhi wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

Waxay intaas ku dartay “Sheegashada Soomaaliya ee dhulka Somaliland waa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo ka hor imanaysa xaqiiqada jirta iyo tan sharciga ah. Somaliland waligeed kama ay mid noqon Soomaaliya ilaa 1991-kii.”

“Ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC iyada oo aan ogolaansho ka haysan Somaliland waa cadaalad darro aad u weyn oo wiiqaysa mabaadi’da shuruucda caalamiga ah.”

Soomaaliya ayaa noqotay dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysaa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, iyo Tanzania.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this