Deeq A. Posted November 26, 2023 Maamulka Degmada Barcelona ee dalka Spain ayaa Jimcihii shaaciyey inay xidhiidhka u jareen Israa’iil. Golaha deegaanka Barcelona ayaa codkooda ku taageeray mooshinkaasi uu keenay xisbiga Comú party. Waxaa kamid ah mooshinkan in shirkadaha ka hawlgala magaalada ayna noqon kuwa ka qeyb qaata baro-kicinta iyo burburinta dhulka Falastiin. Guddoomiyihii hore ee Barcelone haweenayda Ada Colau oo xisbigeeda mooshinkan keenay, ayaa ah mid u ololeysa xaquuqul Insaanka. Ada Colau ayaa xiligii ay ahayd Guddoomiyaha Barcelona burburisay heshiiskii Mataaneynta magaalooyinka Barcelona iyo Tel Aviv. Ada ayaa ku tilmaamtay dagaalka Gaza, xasuuq Israa’iil ku wado shacabka Falastiin, isla markaana Israa’iil xidhiidhka loo jari doono inta ay ka ogolaaneyso Xabad-joojin rasmi ah iyo Xaquuqda Falastiin. "Barcelona suspends all relations with the Government of Israel. Human rights are defended by taking sides, not by turning a blind eye."Ada Colau's speech at Barcelona City Council. pic.twitter.com/UxOYlMHtCG— Barcelona En Comú (@bcnencomu) November 24, 2023 Source Share this post Link to post Share on other sites