Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab Laga Leeyahay Israa’iil Oo Lagu Weeraray Badweynta Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Markab Israa’iil laga leeyahay oo Jimcihii lagu weeraray Badweynta India.

Markabka CMA CGM Symi ayaa khasaare soo gaadhay kadib markii lagu weeraray diyaarad nooca Drone-ka ah xilli uu marayey biyaha caalamiga ah.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday Drone-ka noociisa yahay Shahed-136 oo ku qarxay Markabka.

Wax dhaawac ah masoo gaadhin shaqaalaha Markabka saarnaa marka laga reebo burbur ka dhashay qarax oo Markabka soo gaadhay.

Weli ma jirto cid sheegatay weerarkan, balse waxaa la tuhunsan yahay kooxda Xuutiyiinta Yemen ama dowlada Iran.

Markabkan oo kasoo baxay dekada Jebel Ali ayaan hadda la ogeyn meesha uu ku sugan yahay kadib markii la damiyey aalada lagala socdo goobta Markabka uu marayo.

Shirkadda Markabkan leh ayaa lagu magacaabaa Eastern Pacific Shipping oo uu leeyahay Maalqabeenka reer Israa’iil, Idan Ofer.

Xuutiyiinta ayaa hore u qafaashay Markab uu leeyahay maalqabeen u dhashay Israa’iil, Waxa ayna hore weeraro diyaarado Drone & gantaalo ku qaadeen Israa’iil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this