Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Koonfur Galbeed oo sheegtay inay soo weerareen Haramcad ka baxay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
319730193_711089033929060_43061972573637

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Barre ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal maanta ciidamo ka tirsan booliska gobolka Banaadir iyo kuwa Koonfur Galbeed ku dhex maray deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiye Maxamed Barre oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad ay weerar toos ah ku soo qaadeen askar ka tirsan booliska K/Galbeed oo joogay goob lagu canshuuro gaadiidka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada K/Galbeed aysan sameyn wax iska caabin ah, maadaama horay loo siiyey amar ah inay isaga baxaan goobtii lagu soo weeraro.

Wuxuu sheegay in ciidanka Haramcad ay halkaas ku dilay hal askari, hal kalena ay ku dhaawaceen, ciidamada Koonfur Galbeed ayaa xiliga la weeraray ku sugnaa kastam canshuurta lagu qaado oo K/Galbeed ay ku leedahay deegaanka Jaziira.

Ciidanka weerarkaas fuliyey ayaa la sheegay inay ka baxeen Muqdisho, isla markaana ay dib ugu soo laabteen howlgalkaas kadib, maamulka K/Galbeed ayaa falkaan uga dacwooday maxkamadda ciidamada sida uu caawa sheegay guddoomiye Maxamed Barre.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shalay ay la shireen saraakiisha booliska gobolka Banaadir, isla markaana ay ka codsadeen in lagu ixtiraamo masuuliyadda iyo shaqada ay ka hayaan deegaanka Jaziira, balse wuxuu sheegay in falkaan uu maanta dhacay oo ay la yaabeen weerarkaan.

Ugu dambeyntii guddoomiye Maxamed Barre wuxuu sheegay in K/Galbeed aysan cidna uga waaba doonin masuuliyadda maamul ee oa saaran deegaanka Jaziira oo maamulka gobolka Banaadir uu quud-dareynayo.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Koonfur Galbeed oo sheegtay inay soo weerareen Haramcad ka baxay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this