Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Ergey u qaabilsan Ilaalinta Arrimaha Rayidka

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231126_164000161.jpg?resize=576

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Mudane Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi.

Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa u xilsaaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay ka socdaan howlgallada xoreynta dalka iyo Xasilintooda , waxa uuna Madaxweynuhu kula dardaarmay in uu si hagar la’aan ah ugu soo dhalaalo masuuliyaddan adag ee ay ku jirto badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudnaanta koowaad siinaya sidii deegaannada laga xoreeyey argagixisada Alshabaab ay u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho ayaa faray Hay’adaha dowladda iyo Talisyada Ciidamada Qalabka Sida in ay si dhow waajibaadkiisa ugu gacan siiyaan Ergeyga Gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Ergey u qaabilsan Ilaalinta Arrimaha Rayidka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this