Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahinta Caalamiga ah oo Wax ka Qortay Horumarka Dekedda Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta Caalamiga ah oo Wax ka Qortay Horumarka Dekedda Berbera

Hargeysa(Qaran news)-Warbaahinta caalamiga ah ee Morning Express ayaa daabacday warbixint majeeratay horumarka iyo casriyaynta lagu sameeyay marsada Berbera oo ay sheegtay in cagta saartay jidkii ay ku noqon lahayd marinka ugu weyn ee bariga Afrika.
Waxa warbixinta lagu sheegay mashquulka adeega dekedda iyo horumarka ay ku samaysay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta.

Warbixintu ay waxay sheegtay in Somaliland oo aan soddon sannadood aan wax aqoonsi ah ka haysan beesha caalamku ay haddana awoodeen in casriyeeyaan dekedda Berbera oo u dhow inay noqoto marin ganacsiyeedka bariga Afrika.
Somaliland ayaa qorshaysay inay dekedda Berbera ay noqoto mid la tartanta dekedaha Bariga Afrika, maadaama oo ay ku taallo bogcad halbowle ah oo ganacsiga caalamku maro.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this