Deeq A. Posted November 25, 2023 Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha ciidamada Macawiisley Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay wax ka bedelka dastuurka dalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in dalka loo raro nidaam madaxtooyo oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah, iyadoo meesha laga saarayo ra’iisuk wasaaraha. Cali Jeyte ayaa sheegay in maalmahaan uu soo gaarayo guux siyaasadeed oo ka dhashay arrimaha dastuurka, isagoo hal arrin kula taliyey baarlamaanka dalka. “Waxaan maalmahaan maqlayaa in la isku heysto sharciyada dalka, waxaan ka soo mid ahaa baarlamaanka 7 ilaa 8 sano, kadib rag iyo gabdho badan ayaa nooga dambeeyey oo qori isku dhiib ayuu ahaa, waan ganayaa marka waxyaabaha la isku qabto,” ayuu yiri hoggaamiye Cali Jeyte. Wuxuu sheegay in la sheeg sheego sareynta sharciga, balse wixii siyaasadu ogoshahay sharciga lagu xalaaleeyo. “Nin diidan arrimo siyaasadeed, waxaan codsanayaa in warkiisa aan maanta lagu dabaqin marxaladda uu dalkeenu ku jiro,” ayuu yiri Cali Jeyte oo Hiiraan ka soo diray farriintaan. Hogaamiye Cali Jeyte ayaa ku celceliyey in dalkeenu uu maanta ku jiro dagaal, isla markaana ay jirto xaalad halis ah, “Meel khatar ah ayuu maanta dalku marayaa, hadii dastuur iyo wax lamid ah la isku qabsado waxaa soo noolaa doona cadowga Soomaaliya,” ayuu yiri Cali Jeyte. Ugu dambeyntii wuxuu Cali Jeyte farriin u diray baarlamaanka dalka, “Saaxiibadey baarlamaanka ku jira waxaan ka codsanayaa wax kasta oo dib u dhac Soomaaliya ku keeni kara in laga fogaado,” ayuu yiri Cali Jeyte. Hadalka hoggaamiye Cali Jeyte ayaa ku soo aadaya xilli uu maanta Xasan Sheekh furay kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka dalka oo lagu wado in maalmaha soo socda la hor geeyo arrimaha wax ka bedelka dastuurka. Waxaa baarlamaanka ka dhex jira guux siyaasadeed oo weyn, kaas oo qaarkood ay ku diidan yihiin qorshaha wax looga bedelayo dastuurka, halka xukuumadu ay dadaal ku bixineyso sidii loo ansixi lahaa qorshaan wax ka bedelka dastuurka. Hoos ka daawo Cali Jeyte The post Daawo: Muxuu JEYTE ka yiri wax ka beddelka dastuurka? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites