Deeq A. Posted November 25, 2023 Maleeshiyo looga shakisan yahay in ay yihiin Islaamiyiin ayaa dilay ugu yaraan 14 qof weerar ay ku qaadeen tuulo ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo. Kooxda weerarka geysatay ayaa la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin fallaagada Allied Democratic Forces (ADF), oo ah koox hubeysan oo Ugandan ah oo fadhigeedu yahay bariga Kongo. Maleeshiyada ayaa xilli habeen ah weerar ku qaaday deegaanka Makodu, xilli dadka deegaanka ay hurdayeen guryahooda. Duqa magaalada Oicha, oo ku taal Waqooyo bariga ee gobolka Kivu ayaa laga soo xigtay in fallaagada ADF ay dad rayid ah ku dileen mindiyo iyo qoryo ka hor inta aysan baxsan. PUNTLAND POST The post Maleeshiyaad hubaysan oo 14 rayid ah ku dilay dalka Kongo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites