Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu danbeeyay ee dadaallada Nabadda ee ka socda magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muddaharaad nabadeed oo ku jihaysan dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ku muransan arrimaha doorashada ayaa saaka ka socda magaalada Garoowe.

Muddaharaadka oo ay dhigayaan qaar kamida Haweenka ayay ku dalbanayaan in si nabdoon lagu dhammeeyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan khilaafaadka doorashada Puntland ee sannadka 2024.

Haweenka ayaa ku baaqaya in aysan shacabka colaad u horseedin dowladda iyo siyaasiyiinta hubaysan islamarkaana khilaafkooda arrimaha doorashada ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka si looga baaqsado dagaal iyo qalalaase.

Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka SSC ayaa magaalada Garoowe ka wada dadaal nabadeed loo lagu xallinayo xiisadda ka taagan doorashada waxaana ay shirar kala duwan la yeesheen dowladda iyo dhinaca mucaaridka ee ku muransan nooca loo galayo doorashada 2024.

PUNTLAND POST

The post Wararkii ugu danbeeyay ee dadaallada Nabadda ee ka socda magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this