General Duke Posted April 2, 2008 Jawaabta warsaxaafadeedka Wasiirka Quwada iyo Macdanta ee Xukuumada Federaalka ku Meel Gaarka ah Annagoo ka jawaabaynaa hadaladii aan laaqiga ahayn lagana fiirsan ee Wasiirka, Dawlada Puntland iyo dadka ay sharci ahaanta u matasho, waxay jeclaan lahayd inay wax ka yiraahdaan caydii lagu sifeeyey ficilada baarlamaanka iyo wakiilada sida sharciga matal dadka reer Puntland inay ahaayeen “eex, boobka hantida dadweynaha, laaluush iyo hawla tuuganimo ku salaysan” si aan u saxno qaladka uu iska aaminsiiyeyna arrimaha khuseeya cidda u leh sharciga khayraadka dabiiciga ah, abuuritaankii Xukuumada Federaalka ku Meel gaarka ah, taas oo ahayd inay jahayso horumarinta iyo sharcisiinta shirkadaha. Dawlada Puntland waxay ka codsanaysaa in Xukuumada ku Meel Gaarka ahi joojiso in shakhsiyaad gaar ahi ay u diraan warqado handadaad-khaainimo ah dadka aan wadashaqaynta la leenahay xagga horumarinta gobolkayaga. Dadku waxay xaq u leeyihiin khayraadka dabiiciga ah, si shakhsiyan ah iyo/ama iyagoo maraya wakiilo sharci ah. Dadka reer Puntland waxay dhisteen xukuumad goboleed waxayna dooranayeen wakiilo laba qaybood ah oo sharci ahaan u matalayey dawlada tobankii sano oo ugu dambayey. Dhamaan dadka reer Puntland waxay wakiilo ku leeyihiin Dawlada. Markii la asaasay Xukuumada Federaalka Ku Meel Gaarka ah, ma ay asaasin Jimciyada Quruumaha ka Dhexaysaa sida wasiirku ku yiri warqadiisa, laakiinse waxay ku timid da’daal dheer oo waanwaaneed oo ka dhexeeyey Xukuumada Puntland, laba qaybood oo ka tirsanaa Xukuumadii ku Meelgarka ahayd, iyo wakiilada qabqablayaal tira beelay: waxaana asaasay dadka, in kastoo aan si buuxda loo matalin. Laakiin shaki la’aan ujeedadu waxay ahayd in la abuuro hay’ad wadada u xaarta dib u heshiisiin dhab ah iyo abuurida distuur ay wada ansixiyeen dhamaan dadka Soomaaliyeed. Sababtaas ayaana loo siiyey Xukuumada ku Meel Gaarka ah laba sano iyo bar inay ku shaqeeyaan distuur ku meel gaar ah kaas oo lagu bedeli doono distuur asaasa hab xukuumadeed, doorashooyin iwm. Nasiib daro Xukuumadii ku Meel Gaarka ahayd waxaa curyaamiyey xoogag ka soo horjeeda Dawlad Soomaaliyeed, habka Federaalka ah, iyo siyaasiyiin iimaan laawayaal ah oo ay weli ku qafilan tahay aragtidii “maalmihii Siyaad Barre” ee ahayd waa in wax walba laga go’aamiyaa Mogadishu. Dawlad Goboleedka Puntland waxaa lagu asaasay raalinimada buuxda ee dadka dhulkeeda degan iyo ilaalinta iyo horumarinta nolosha iyo danta dadkeeda, iyadoo aan wax xumaan ama colaad ah loo hayn ummmad Soomaaliyeed ee degan qaybaha kale ee dalka. Bil caksi, intay qaadan lahayd xalka ah ka go’ida Soomaalida inteeda kale, sida ay sameeyeen gobolo kale, hogaamiyayaasha Puntland waxay geed gaaban iyo geed dheerba u fuulleen sidii loo helli lahaa midnimada Jamhuuriyada, laakiin, shardi ahaan waa inuu jira nadaam fiican oo dawlad-wanaag leh. Puntland waxay aaminsan tahay in midnimada iyo dib u heshiisiinta ummada Soomaaliyeed ay faaiido weyn u tahay dhinaca amniga iyo horumarka. Taas ayaana keentay in Puntland cayaarto door wax ku oolla xagga abuurida Xukuumad Ku Meel Gaarka ah ayna siiso taageero markay ku go’doonsanaayeen Jawhar iyo Baydhabo. Puntland waxay bixisay kaalmadaas iyada oo dhinac iska dhigtay hadafyadeedii horumarineed, iyadoo aqoonsan in amnigu yahay waxa ugu horeeya oo horumarini u baahan tahay. Sidoo kale, Dawlada Puntland kama nasan dhaqaalaha ay ka heshay cashuurta adeega dekada iyo gegida diyaaradaha Bosaso iyo dakhliga ay ka hesho heshiiska baaritaanada si ay u difaacdo nafteeda iyo Xukuumada ku Meel Gaarka ee dagaalku kaga socda kooxaha xag jirka ah ee ku salaysan Mogadishu. Puntland waxay xaq u leedahay inay maarayso horumarkeeda iyada oo aan ka tegayn “DANTA GUUD”. Puntland waxay xaq u leedahay inay maarayso khayraadkeeda dabiiciga ah, dekadeheeda, gegideeda diyaaradeed (marka lag asaaro socdaalka iyo cashuurta), kalluumaysiga, ganacsiga iwm…. Puntland waxay doonaysaa inay ula qaybsato ummada Soomaaliyeed inteeda kale dakhligeeda si cadaalad ah iyo hab ku salaysan sinaan. Dhaqdhaqaaqa Wasiirku waa kii ugu dambeeyey liisas aad u dheer, kuwaas oo ah kuwa gaar ah iyo kuwa xukuumadeed, oo ku hawshan dhibaataynta dadka aanu wada shaqaynta leenahay si ay u curyaamiyaan xasiloonida iyo hadafka horumarineed ee Puntland. Ma xakamayn karo shakhsiyaad gaara, wax welwel ahna kama qabno iyaga. Si kasta ha ahaatee, cayda iyo handadaada wasiirku waxay u baahan tahay wax ka qabasho dawladeed xagga aqoon la’aantiisa iyo dhaqankiisa oo aan la jaanqaadi karin masuuliyada jagadiisa. Waxay noo xaqiijiyeen saraakiil sarre oo Xukuumada Federaalka Ku Meel gaarka ah ka tirsani in aragtida wasiirku tahay mid isaga ku kooban mana aha war saxaafadeed ka yimid Xukuumada Federaalka ku Meel Gaarka ah. Xassan Cusmaan Moxamuud Wasiirka Quwada iyo Macdanta Quote Share this post Link to post Share on other sites