Sign in to follow this  
Deeq A.

Isra’iil Iyo Xamaas Oo Isweydaarsaday Maxaabiis Kadib Heshiis Xabad Joojin Ah Oo Dhaqan Gashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waqti ay xabbad-joojin ka dhaqan gashay Gaza ayaa madaxweyne Joe Biden Jimcihi uu qaatay qeyb ahaan doorkiisii uu ku lahaa wadaxaajood lagu sii daayo la haystayaasha Xamaas gacantooda ku jira iyo Maxaabiista Israa’iil ay hayso, waxuuna sheegay inay tahay “natiijada diblomaasiyadda ballaadhan ee Mareykanka.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in asaga iyo kooxdiisu ay toddobaadyo ka shaqeynayeen joojinta dagaalka, sidoo kalena ay cadaadis ku saarayeen in gargaarka bini’aadantinimo loo oggolaado Gaza iyo waliba sii deynta dadkii ay Xamaas ku afduubatey Israel 7-dii Oktoobar.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Qatar, Masar iyo Israa’iil heshiiska horseeday in la sii daayo qaar ka mid ah maxaabiistii Xamaas ay qafaasheen.

“Kaliya waa bilow laakinse, ilaa hdda, si fiican ayey wax u socdaan” ayuu yidhi madaxweyne Biden.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this