Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ku biirtay Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika + Faa’iidooyinka ay ka helayso iyo Qaramada Midoobay oo guul taariikhi ah ku tilmaantay

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonaan bulshada Soomaalidu, gaar ahaan ganacsatada Soomaalidu, kuwaasi oo ay kamid yihiin;

1. Fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaalidu.

2. Isu socodka bulshada ku mideysan EAC, iyagoo aan u baahneyn dal ku gal. Sidoo kale helitaanka Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika.

3. Ganacsatada Soomaaliya oo sharci buuxa u helaya ganacsiga iyo hantida ka jirta dalalkaasi, dadkeenuna ugu ganacsadaan warwar la’aan.

4. Soomaaliya waxa ay heli doontaa fursado ay badeecadda ugu iib-geeyaan dalalkaas, oo aan canshuur kale laga rabin.

5. Xaquuq ganacsi iyo mid bulsho oo heer gobol ah.

6. Ganacsatada Soomaaliya oo iyagu isaga kala gooshi doona dalalka qeybta ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

7. Kobaca dhaqaalaha oo ay Soomaaliya ka helayso suuqa weyn ee EAC.

8. Iskaashiga khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga.

Xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Africa ee EAC, iyaga oo ku tilmaamay ‘guul kale oo u soo hoyatay wadadii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkeedii saxda ahaa ee beesha caalamka.’

“Waa guul kale oo u soo hoyatay waddadii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkeedii saxda ahaa ee beesha caalamka iyo xidhiidhka ay la leedahay dalalka deriska la ah. Hambalyo!’ ayuu lagu yidhi bayaanka Qarmada Midoobay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this