Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaafad si casri loo dhisay oo laga hir-geliyay magaalada Hargeysa (ARAGSAN VILLAGE)

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaafad si casri ah loo dhisay oo lagu magacaabo ARAGSAN VILLAGE ayaa laga hir-geliyay magaalada Hargeysa, xaafadan oo si qurux badan loo dhisay ayaa waxa ay ku taalla agagaarka Buurta kala jeexan ee galbeedka magaalada Hargeysa.

Xaafadan oo ay dhistay shirkadda KAABSAN GROUP ayaa waxa xadhiga ka jaray Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, sidoo kale waxa ka soo qayb-galay xafladdii xadhigga lagaga jarayay xaafada ARAGSAN VILLAGE, xubno wasiirro ah, Xildhibaano, safiiradda dalalka Turkiga iyo Taiwan mas’uuliyiinta shirkadda Telesom, Dara-Salaam Bank, Kaabsan Group iyo siyaasiyiin kale oo tiro badan.

Xaafadan si casri ah loo dhisay loona dhammaystiray dhammaan adeegyadii ay dadku u baahnaayeen sida goobihii cabaadada (Masaajidkii) goobohii waxbarashada gaar ahaan Iskuulkii iyo madaaristii lagu baranayay qur’aanka kariimka ah, goobaha ganacsiga oo aad ka helayso wax kaste oo aad u baato, goobihii ay carruurtu ku ciyaarayeen, goobihii jimicsiga iyo dhammaan wax kasta oo qofku u baahan yahay.

Ugu horrayntii waxa munaasibadii xadhig ka jarka ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka shirkadda Kaabsan Group Cabdiwahaab Xaaji Cali Axmed iyo guddoomiyaha Kaabsan Group Mahad Muxumed Faarax oo iyagu faah-faahin ka bixiyay dhismaha xaafadan bilicda leh, qaabka ay u dhiseen iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay.

“Xaafadan ARAGSAN VILLAGE maxay kaga duwan tahay xaafadaha kale, horta halkan waxa leh dadka afka Soomaaliga ku hadla oo dhan, reer Muqdisho ayaa wax ku leh, reer Habuuti ayaa wax ku leh, reer Jigjiga ayaa wax ku leh, reer Nairobi ayaa wax ku leh, waxaan isleeyahay reer Hargeysa marka ay faanayaan waxa ay ku odhanayaan anigu reer Jameeco ayaan ahaa, marka haddii u uku yidhaa ninka reer Hargeysa reer Jameeco ayaan ahaa war uma laabna oo waa Halkii Hargeysa laga aasaasay, ninka reer Sheekhna waxa u uku odhanaya reer Dariiqada ayaan ahaa waana bulsho aan qabyaalad ku dhisnayn, dadka xaafadan ka soo baxana waxa ay ku faani doonaan inay reer ARAGSAN isku ahaayeen carruurtoodu insha Allah”

“Haddii aynu eegno dhinaca tayada (Quality), sideedaba cimilada iyo dhismuhu waxa ay leeyihiin xadhiidh togan oo isku mid ah waana ta sababtay adduunyada in aan qofku guri iska dhisan karin illaa Injineer haysan, waayo gurigu waxa uu la mid yahay hubka oo kale waxaanu wax yeeli karaa dadyow aad u badan, annaga taa ku dadaalayna taa oo tayada (quality) ilaalinayna ayay nagu kaliftay in aanu shirkadahan ajaanibka ah keeno dadkeena uga faa’iidayno, waxaanu shirkadda Turkiga u dooranay inay yihiin dadyowga lagu faano ee adduunyadda wax ka dhisa, 10kii sanno ee u dambaysay marka aad eegto taariikhda cimilada waxa jiray is-bedelo waaweyn, Dabaylaa dhacayay, duufaano ayaa dhacayay, xiliyo ayna roobabku di’i jirin ayay da’ayeen, adduunyadda kalena waynu la qabnaa si aynu waxaas oo dhan uga gaashaamano waxa la odhan karaa ugu dambayntii waxa aanu dhisnay guryo la isku halayn karo” ayuu yidhi Cabdiwahaab Xaaji Cali Axmed.

Guddoomiyaha Kaabsan Group Mahad Muxumed Faarax ayaa isaga oo sharaxaad ka bixinaya xaafadda ARAGSAN ayaa waxa uu yidhi  “Mashruucani waxa uu ka kooban yahay 66 guri, oo halkii guriga oo ka kooban yahay dabaq sare iyo dabaq hoose, guri waliba waxa uu ka kooban yahay 6 qol oo hurdo ah oo qol waliba uu suuligiisii gudaha ku leeyahay waxa kale oo uu wataa fadhigii iyo cuntadii waxa kale oo uu wataa laba madbakh (kitchen) oo kale dambeeya, waxa uu wataa beertii oo xaga dambe looga sameeyay”

Axmed Kilaas Faarax isaguna ka mid ah dadka guryaha ka iibsaday xaafadan cusub ee ARAGSAN VILLAGE ayaa ka hadlay sida ay ugu faraxsan yihiin guryahooda iyo xaafadda cusub ee hoyga u noqon doonta.

Dhan kale wasiirka wasaaradda ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga Jamaal Caydiid oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa xaafadda ARAGSAN VILLAGE ku tilmaamay horumar ballaadhan oo ku soo kordhay Somaliland lana jaanqaadaya caalamka.

Ugu dambayntii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa isaguna madasha ka hadlaya ayaa shirkadda Telesom ku ammaanay maalgashigan ballaadhan ee ay samaysay iyo bilicda iyo quruxda ay ku soo kordhisay dalka.

383352160_375986231441173_15133152849907 405546794_375986548107808_81647716134441 405558921_375986261441170_81305047507722 405769279_375985398107923_72809922076784 405772883_375986664774463_85422434880790 405796009_375986288107834_21390153399112 405796229_375985384774591_75208603987823 405797774_375985224774607_56475314254060 405802302_375985258107937_79840379234738 405844844_375986441441152_13459177647927 405846854_375986081441188_24158623480606 405878664_375986054774524_66265969169426 405880543_375986481441148_40847602798000 405880637_375986698107793_79094636754768 405885049_375985414774588_89681444393603 405888193_375986578107805_53019795050764 405893072_375986414774488_61506158190545 405894903_375986461441150_62700085198075 405900254_375985301441266_74490065647572 405963620_375985471441249_70171951958392 405988641_375986154774514_64815266909969

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this