Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo ugu Baaqday Guurtidda inay Dedejiyaan Xeerka Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland oo ugu Baaqday Guurtidda inay Dedejiyaan Xeerka Doorashooyinka

Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka Wasaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa ugu baaqay Golaha Guurtidda Somaliland inay dedejiyaan xeerka Doorashooyinka.

Wasiir Cali Mareexaan wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu aqbalay go’aamadii Guddida Madax dhaqameedka Bariga Burco, isla markaana saddex maalmood kadib go’aankaas uu u gudbiyay Golaha Wakiillada.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay inay xukuumaddu dhiirigeliso dardargelinta xeerkaas mooyee aanay jirin sabab ay ku farogelisaa.

Waxaanu tilmaamay in madaxweyne Muuse ay ka go’an tahay qabsoomida doorashooyinka iyo xeerkaasba.

Wasiir Cali Mareexaan wuxuu Golaha Guurtidda u soo jeediyay inay xeerkaas dedejiyaan iyagoo ka eegaya danta iyo midnimada dalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this