Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo walaac ka muujisay ku biirista Soomaaliya ee ururka dhaqaalaha Bariga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland oo walaac ka muujisay ku biirista Soomaaliya ee ururka dhaqaalaha Bariga Afrika

Hargeysa(Qaran news)-Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujisay ku biirista ay Soomaaliya Ururka dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC. Waxayna ku sifaysay go’aankaasi xadgudub cad ku yahay madax-bannaanida Qarannimada JSL.

Sidaasna waxa lagu sheegay Warmurtiyeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo lagu sharraxan siday sharciyan u kala madax-bannaan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa laba dal oo isku biiray, hase ahaatee kala tagay 18kii May 1991kii.
Waxa Xukuumaddu sheegtay muddadii Somaliland ay ka mid ahayd Soomaaliya ay kala kulantay cubudhin iyo tacadiyo badan oo horseeday inay labada dal kala dhaqaajiyaan.
Sheegashada Soomaaliya ee dhulka Somaliland waa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo ka hor imanaysa xaqiiqada jirta iyo tan sharciga ah,”ayaa lagu yidhi Warmurtiyeedkaas

Xukuumadda Somaliland waxay intaas ku dartay “Soomaliya xaq uma laha inay Somaliland ku metasho madal caalami ah iyo mid goboleed toona. Waxaan u soo jeedinaynaa Midowga Afrika (AU), Qaramada Midoobay (UN), iyo dalalka xubnaha ka ah ururka dhaqaalaha bariga Afrika EAC inay aqoonsadaan jiritaanka iyo madax-bannaanida Somaliland. Ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC iyada oo aan ogolaansho ka haysan Somaliland waa Cadaalad darro aad u weyn oo wiiqaysa mabaadi’da shuruucda caalamiga ah.”
“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an inay si nabad ah oo waxtar leh ula macaamisho beesha caalamka. Waxaan raadineynaa xal caddaalad iyo sinaan ah oo aqoonsan xaqa aan u leenahay aayo ka talinta iyo rabitaankeena aqoonsi caalami ah. Waxaan si dhab ah u rajaynaynaa in AU, UN, iyo wadamada xubnaha ka ah ururka dhaqaalaha bariga Afrika ay ilaaliyaan rabitaanka dadkayaga iyo xaqa ay u leeyihiin inay aayo ka tashigooda yeeshaan,”ayaa lagu soo gunaanaday war-saxaafadeedkaas ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this