Deeq A. Posted November 25, 2023 Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo war kasoo saartay xubinimada Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa u hambalyeysay dowladda federaalka, maadaama ay ugu dambeyn ku guulaysatay inay ku biirto Ururkan. Wasiirka koowaad ee Kenya, Musalia Mudavadi oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay soo dhaweyneyso ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC. Sidoo kale waxa uu sheegay in xoojinta xiriirka gobolka iyo kobcinta midnimada ay fure u tahay furitaanka awoodda ballaaran ee Bariga Afrika. “Si wadajir ah, waxaan u dhisi doonaa mustaqbal ifaya dhammaan muwaadiniinteena,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X. Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah ugu biirtay Dallada Bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan. Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay kamid yihiin; 1. Fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed. 2. Isu socodka bulshada ku mideysan EAC, iyagoo aan u baahneyn dal ku gal. Sidoo kale helitaanka Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika. 3. Ganacsatada Soomaaliyeed oo sharci buuxa u helaya ganacsiga iyo hantida ka jirta dalalkaasi, dadkeenuna ugu ganacsadaan walwal la’aan. 4. Soomaaliya waxa ay heli doontaa fursado ay badeecadda ugu iib-geeyaan dalalkaas, oo aan canshuur kale laga rabin. 5. Xaquuq ganacsi iyo mid bulsho oo heer gobol ah. 6. Ganacsatada Soomaaliyeed oo iyagu isaga kala gooshi doona dalalka qeybta ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika. 7. Kobaca dhaqaalaha oo ay Soomaaliya ka helayso suuqa weyn ee EAC. 8. Iskaashiga khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga.The post Maxay KENYA ka tiri guusha ay gaartay Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites