Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Ciyaaraha oo Socdaal Shaqo ku Tagay Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Ciyaaraha oo Socdaal Shaqo ku Tagay Berbera

Berbera(Qaran news)-Qasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Mudane Cabdiraxiim Xirsi Jaamac Dhooble oo maanta safar shaqo ku tagay magaalada berbera ayaa soo xidhay kulan hal maalin socday oo ku saabsanaa dib-eegis Iyo Kaabis Siyaasadda Dhalinyarada Somaliland ee 3-aad.

Kulankan ayaa waxaa lagu gorfaynaayey sidii wax ka bedel iyo kaabis loogu samayn lahaa siyaasadda horumarinta dhallinyarada Somaliland, waxaana kasoo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Saaxil, Agaasimaha Dallada horumarinta ee SONYO, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo xog ururinta ee Wasaaradda Ciyaaraha Iyo qaybo kamida aqoonyahanka gobolka Saaxil, kuwaasi oo isugu jiray ardayda jaamacadaha, ururada bulshada rayidka ah iyo dhamaan daneeyayaasha arimaha dhallinyarada.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Mudane Cabdiraxiim Xirsi Jaamac Dhooble ayaa uga mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaatay inay fusho hawshani, waxa uu xusay muhiimada ay leedahay sidii loo heli lahaa siyaasad ka turjunta dhamaan gobolada dalka oo dhan, noqon doontana mid afarta sanno ee soo socda loogu adeegi doono dhallinyarada Somaliland.

Kulankan ayaa waxaa hirgalintiisa iska kaashaday wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaarahu iyo hay’adaha UNFPA, SOS, Dallada dhallinyaradda Somaliland ee SONYO iyo Midawga Yurub(EU).

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this