Sign in to follow this  
Deeq A.

Qalab lagu Wareejiyay Kalluumaysatada Xiis iyo Maydh

Recommended Posts

Deeq A.   

Qalab lagu Wareejiyay Kalluumaysatada Xiis iyo Maydh

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha JSL, Mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaa gaadhay degmooyinka Xiis iyo Maydh ee gobolka Sanaag, waxaanu Kalluumaysata degmooyinka ku wareejiyey Qalab Kalluumaysi oo Dhamays Tiran.

Wasiir Siciid waxa uu sheegay in qalab uu ugu tallo galay doonyaha badda galaya, ku IMG-20231123-WA0010.jpgsoo xidhanaya, kuwa wax ka dhoofinaya iyo kuwa shaqeeya intaba.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in qiimaha lacagta kaga baxday qalabka loo qaybiyay Kalluumeysatada degmooyinka Xiis iyo Maydh iyo Sariibada Ceerigaabo ay dhan tahay shan boqol oo kun oo dollar.

Geesta kale wasiirku waxa uu daahfuray Sariibadii u horraysay ee Kalluun ee ay yeelato magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo Kalluumeysatada degmooyinka Xiis iyo Maydh ayaa wasiirka uga mahadnaqay qalabka uu guddoonsiiyay, waxaanay sheegeen inay wax weyn ka tari doonto hawlahooda shaqo.

Gaba-gabadii waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ku korjoogtayn doonto dadka loo qaybiyay qalabkaasi lacagta adagi ku baxday, waxaanu faray inay ilaashadaan oo aanay dayacin, waxaanu waxgaradka iyo ganacsatada gobolka Sanaag ku adkeeyay sidii dekadda Maydh u shaqayn lahayd.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this