Sign in to follow this  
General Duke

Puntland troop movement alone push back Clan courts...

Recommended Posts

Puntland oo sheegay in uu dib u qabsaday deegaanadii laga qabsay

 

Mogadishu 12, Nov.06 ( Sh.M.Network) Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qaaday, ayna iska difaaceen, iyadoo madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse iyo ciidamo fara badan ay soo gaareen magaalada Galkacyo.

 

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland oo ragga wararka fidiya la hadlay ayaa waxa uu ku eedeeyay maxkamadaha islaamka Somalia in ay soo weerareen meelo ay joogeen ciidamadooda, deetana ay iska difaaceen, dibna ay u qabsadeen deegaanadii laga qabsaday.

 

Dhinaca kale banaanbaxyo iyo abaabulo ayaa waxa ay ka jiraan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Galkacyo oo lagu doonayo sidii la isaga difaaci lahaa maxkamadaha islaamka,

 

Hadal heynta ugu weyn ee gobolka Puntland ayaa waxa uu noqday xiisadaha dagaal ee ka oogan gobolka Mudug iyo dhaq dhaqaaqa ciidamada maxkamadaha islaamka ee ku sii siqaya magaalada Galkacayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin kale oo faah faahsan dagaaladii saakay ka dhacay deegaanada bandiilarlay ee gobalka mudug

Posted to the MOL November 12, 2006, 9:21 am

 

 

Gaalkacyo:- Sida uu ku soo waramayo wariyaha Mudugonline ee Puntland Maxamed C/qaadir Khalaf waxaa ka dib daqaal qaraar oo saaka ka bilowday deegaanka Bandiiradley oo u udhexeeyay ciidamada Cabdi Qaybdiid iyo kuwa Maxaakiimta uu hada dagaalkaasi u xuub siibtay mid u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Maxaakiimta oo isu badalay dagaal furan.

 

Ciidamada Puntland ayaa dagaal qaraar kadib gadaal u riixay maleeshiyada Maxaakiimta muqdishu iyadoo laga qabsaday gawaari dagaal maleeshiyada maxakiimta. Dagaalka ayaa wallow hada uu qaboobay wali la sii la maqlayaa dhawaaqa madaafiicda iyadoo labada qoloba guulo sheeganayaan.

 

Dhanka kale warar aan ka helayno ilo madax banaan ayaa xaqiijinaya in dhimasho aan la shaacin tiradooda iyo dhaawac 20 nin ka badan oo ka mida maleeshiyada Maxkamadaha Muqdishu la geeyay Degmada Cadaado sidoo kale waxaa magaalada Galkacyo ka socda diyaar garow aad u xoogan oo ay samaynayaan ciidamada Daraawiishta iyadoo la arkayay Gawaari dagaal oo ku sii qulqulaysa aaga dagaalka. Waxaa saacado ka hor soo gaaray Magaalada Gaalkacyo Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse oo horkacaya ciidamo kale oo fara badan kuna hubaysan hub culus oo tekniko ah kuwaas oo iyana la filayo inay u sii gudbaan dhinaca tuulada Bandiiradley ee dagaalku ka socdo.

 

Mar aan la xariinay ila goob joogayaal ah oo ku sugan deegaanka Bandiiradley ayaa waxaa naloo xaqiijiyay inay wali daafaha magaalada isku dhaafsanayaan labada ciidan Madaafiic aan kala go’ lahayn. Goob joogayaashaan ayaa waxay kaloo noo sheegeen in markii hore ciidmada Maxaakiimtu ay ka awood roonaadeen ciidamada Cabdi Qaybdiid balse markii dambe ay gurmad usameeyeen Ciidamada Puntland halkaasna uu ka qarxay dagaal balaaran dibna loo riixay maleeshiyada maxkamadaha wallow aysan wali tuulada Bandiiradley cidna si toosa gacanta ugu hayn oo daafaheeda dagaalku ka socdo.

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Gaalkacyo, Puntland, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this