Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Ahmed ‘oo weerar culus ku qaaday Isaias Afwerki

Recommended Posts

Deeq A.   
abiy-and-afwerki.jpg?fit=800%2C450&ssl=1

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu warramay inuu madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ugu yeeray mid “neceb oo kasoo horjeeda” Itoobiya.

Warbaahinta YouTube-ka ee Anchor Media, oo si aad ah ugu dhow dowladda Itoobiya, ayaa ku warantay in Abiy uu arrintan soo hadal qaaday mar uu kulan la lahaa saraakiisha xisbigiisa Prosperity Party.

“Waxaa la ogyahay in Abiy Ahmed uu si ba’an u dhaleeceeyay Madaxweyne Isaias Afwerki intii lagu jiray shirkii madaxda sare ee Xisbiga Barwaaqo,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxaa intaas dheer, Abiy ayaa laga soo xigtay isagoo leh, “Waxaan muddo dheer ka warqabay in Isaias uu haysto dareen ka dhan ah Itoobiya. Waxa aan rajaynayey horumar, laakiin mowqifkiisii Itoobiya-diidka ah ayaa wali taagan.”

Intii uu socday dagaalkii dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhadda TPLF, Abiy Ahmed ayaa sheegay in waxa Eritrea ay u sameysay Itoobiya markii taliska ciidankeeda waqooyi la weeraray, aaanu dal kale sameyn karin.

Hase yeeshee, ilo-wareedyo ayaa sheegay in xiriirka Abiy iyo Afwerki uu xumaaday markii dowladda Abiy ay magaalada Pretoria heshiis kula gashay TPLF, taasi oo soo afjartay dagaalkii labada sano socday.

Sida lagu heshiiyey, waxaa la filayey in kooxda TPLF ay hubka dhigto, balse taasi ma dhicin, iyadoo sida la sheegayo kooxda ay haysato cudud ka kooban ugu yaraan 200,000 oo askari oo hubaysan. Dowladda Eritrea ayaa kooxda TPLF u aragta halis.

Sida la tuhunsan yahay, khilaafka u dhexeeya Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki (iyo guud ahaan Eritrea) ayaa cirka isku shareeray kadib markii Abiy Ahmed uu sheegay bishii October ee sanadkan uu sheegay inay tahay inay dekad ka helaan Badda Cas, si kasta oo ay ku timaado.

Talaadadii toddobaadkii hore, Abiy Ahmed ayaa khudbad ka jeediyay baarlamaanka Itoobiya. Waxa uu sheegay in hadalkiisa uu ula jeeday inuu doonayo in laga wada xaajoodo arrimaha ku saabsan badda, islamarkaana aysan dowladdiisa damacsaneyn inay dagaal la gasho dal na.

Ka sokow Eritrea, hadalkiisa ayaa walaac ka abuuray dalalka kale ee deriska ah qaarkood, sida Jabuuti iyo Soomaaliya.

Waxaa hadda jirta cabsi la dareemi karo oo laga qabo in dagaal uu ka dhex-qarxo Itoobiya iyo Eritrea.

The post Abiy Ahmed ‘oo weerar culus ku qaaday Isaias Afwerki appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this