Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee Xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0a00-0242-d58c-08dbeb96351b_w40

Isra’iill ayaa xalay sheegtay, in sii deynta ilaa 50 qof oo ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduuban Xamaas aysan dhici doonin ka hor Jimcaha berrito ah.

Maxaabiista ayaa la filayay in Khamiista maanta ah lagu sii daayo heshiiskii xabbad-joojinta afarta maalin ee ay gaareen Isra’iil iyo Xamaas.

Heshiiska oo dhacay aroornimadi hore ee Arbacadi shalay, ayaa dhigaya in Israel ay deyso 150 Falastiiniyiin ah oo ku xira xabsiyadeeda, sidoo kalana ogolaato in gargaar bani’aadannimo la geeyo Marinka Gaza.

Xamaas ayaa iyana sii deyn doonta 50 ka mid ah laheystayaasha Isra’iil. Sidoo kale, muddo afar maalin ah ayay labada dhinac jooji doonaan madaafiicda sida uu dhigayo heshiiskan.

Waqtiga uu sida rasmiga ah u billaaba doono dhaqangalka heshiiska ayaanan caddeyn, hase yeeshee ilo wareedyada xagga amniga ayaa sheegay in heshiiska xabbad joojinta uu dhaqan galo afarta barqanimo ee Khamiista maanta ah.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee Xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this