Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo dib u dhigay xeerka doorashooyinka qof iyo cod kadib markii buuq xooggan ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1700728400966.jpg?resize=720%2C48

Wax-ka beddelka xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo qorshuhu ahaa in Baarlamanka Puntland uu saaka ka doodi ayaa dib loo dhigay kadib markii uu ka dhashay buuq iyo muran.

Guddi gaar ah oo loo xil-saaray ka shaqaynta xeerka ayaa qoraal uu Baarlamanka la wadaagay ku dalbaday in la hakiyo xeerka inta laga xallinayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan arrinaha doorashada.

Waxaase dalabka guddiga kadib xarunta golaha wakiilada hareeyay buuq iyo sawaxan xooggan waxaana la sheegay in xildhibaannada qaarkood isu gacan-qaadeen.

Ugu danbayn guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay ka doodista xeerka ilaa maalinta Axadda ah ee todobaadka danbe oo ku beegan 26 Nov 2023.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa golaha la wadaagay in La tashi guud kadib, maalinta Axad ah ( 26-Nov, 2023) Golaha dib loogu soo celin doono Xeerka Doorashooyinka Puntland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay golaha.

1700728042792.jpg?resize=714%2C900&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo dib u dhigay xeerka doorashooyinka qof iyo cod kadib markii buuq xooggan ka dhashay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this