Sign in to follow this  
Deeq A.

UEFA oo Ganaaxday Kooxda Celtic oo sare u qaaday Calanka Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka xidhiidhka kubadda cagta ee Yurub ayaa ganaax lacag dul dhigay Kooxda Celtic ee kasoo jeeda Scotland kadib ciyaartii ay la yeesheen Atletico Madrid.

UEFA ayaa arbacadii shalay ku dhawaaqay in €29.000  ($31,582) lagu ganaaxay kooxda Celtic.

Taageerayaasha Celtic ayaa si weyn caan ugu ah taageerada ay u hayaan Falastiin. Waxayna ciyaar walba soo qaata calanka Falastiin.

Ganaaxan ayaa lagu sheegay in €17.500 ay tahay hal-ku-dhigii taageerayaa (Free Palestine) & calanka Falastiin iyo €8.000 oo ah in ay xanibeen taageerayaasha wadooyinka.

Sidoo kale kooxda ayaa lagu ganaaxay €3.500 dheeraad ah

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this