Sign in to follow this  
Deeq A.

LAFTA-GAREEN oo si buuxda ula saftay XASAN SHEEKH

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Lafta-gareen.jpeg?fit=2048%2C1366&

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa olole ugu jira sidii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ula meel-mari lahaa qodobada ku jira heshiiskii golaha wadatashiga ee la gaaray bishii May ee sanadkaan.

Laftagareen oo si buuxda ula soo shaqeystay kooxdii Farmaajo ayaa hadda sidii oo kale ula shaqeysta dowladda federaalka ee Xasan Sheekh uu hoggaamiyo, wuxuuna u muuqdaa nin duruufaha taagan wax ku goosta.

Madaxweyne Cabdicasiis ayaa Baydhaba ugu yeeray inta badan xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda K/Galbeed, isagoo ku qancinaya inay xukuumadda Xasan Sheekh ku garab siiyaan meel-marinta heshiiskaas.

Laftagareen ayaa la sheegay inuu aad u daneynayo qorshaha lagu bedelayo nidaamka hoggaanka sare ee DF oo Xasan Sheekh uu doonayo in laga dhigo madaxweyne iyo maxaxweyne ku xigeen.

Reer K/Galbeed ayaa qorshahaan u arka fursad ay uga gudbi karaan kursiga guddoomiyaha golaha shacabka oo muddo ay dhaafi weysnaayeen.

Soomaaliya ayaa ku biireysa dowladaha isticmaalaha hanaanka madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, hadii uu qorshahaan ansixiyo baarlamaanka Soomaaliya, waxaana laga guurayaa nidaamka ra’iisul wasaaraha.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa heshiiskii bishii May ee golaha wadatashiga qaranka waxay ka heleen muddo kororsi, balse ilaa hadda ma jiro hoggaamiye sida Laftagareen ugu ololeynaya ansixinta heshiiskaan.

Madaxda qaar waxaa la sheegay in muddo kororsiga kaliya ay fursad u arkaan, balse aysan dooneyn inay olole u galaan ansixinta qodobada kale ee ku jira heshiiska, kuwaas oo sababaya in lagu qoro dastuurka.

Xasan Sheekh ayaa dhawaan si buuxda ula saftay Laftagareen, kadib markii mucaaradkiisa ay isku dayeen iinay doorasho geliyaan maamulka Koonfur Galbeed, balse inta aan la gaarin Laftagareen, waxaa doorashada diiday Xasan Sheekh, maadaama uu ku jiro dagaalka Shabaab iyo meel marinta qorshihiisa wax ka bedelka dastuurka.

Wixii ka dambeeyey markii uu Xasan Sheekh isku dhigay qorshihii mucaaradka Koonfur Galbeed, waxaa la sheegay in Laftagareen uu daacad u noqday Madaxweyne Xasan.

Laftagareen waxaa lagu tilmaamaa nin leh mowqif adag, iyadoo tusaale loo soo qaato sidii uu u taageersanaa Farmaajo oo la aaminsan yahay inay qiyaameen madaxdii sidiisa oo kale uu Farmaajo u soo dhisay.

Shirkii uu Laftagareen Baydhaba kula yeeshay xildhibaanada waxaa la sheegay inuu ku soo dhamaaday is afgarad, isla markaana lagu heshiiyey in dowladda dhexe lagu taageero qorshaha wax ka bedelka hanaanka maamul ee dalka lagu hoggaamiyo.

Dowladda federaalka ayaa dadaal badan ugu jirta sidii loo ansixi lahaa heshiiskii golaha wadatashiga qaran, kaas oo khasab ka dhigaya in dastuurka wax laga bedelo.

In laga guuro nidaamka hadda jira oo loo guuro nidaam madaxtooyo oo madaxweyne ku madaxweyne ku xigeen ah, waxay ku suurta-geli kartaa in baarlamaanka dalka seddax meelood, labo ka mid ah ay ogolaadaan oo u codeeyaan.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ku kala aragti duwan arrintaan, halka dowladda federaalka aysan siin sharaxaad ku filan, sidoo kale dowladdu aad uma iib geyn qadiyadaan.

The post LAFTA-GAREEN oo si buuxda ula saftay XASAN SHEEKH appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this