Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Golaha wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay saddex arrimood + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
404594500_703423365220146_40061996397444

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Mudane Xamza Cabdi Barre.

Shirkan ayaa waxaa todobaadkan diiradda lagu soo saaray saddex arrimood oo kala ha:- roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, amniga iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab.

Ugu horreyn golaha ayaa warbixin ku saabsan saameynta ka dhalatay roobabka daadadka wata, waxa ay ka dhageysteen Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka ka da’aya dalka.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin gaaraya illaa 96 qof.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday gurmadka iyo dadaallada soconayo oo ay hurmuudka u tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku” ayaa lagu yir warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa warbixino la xiriira amniga guud ee dalka iyo  ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaanshaadhigga.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa isna golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxuuna soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo bani’aadanimo, taas oo ka dhalatay fatahaadaha iyo roobabka daadadka wata ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

404581427_703423121886837_50658332085887 404594500_703423365220146_40061996397444 404603709_703423301886819_75029811830324 404604716_703423275220155_88118963707064 404615629_703423025220180_80842110016335 404656941_703423051886844_16770633024385 405135525_703423161886833_23027814013522 405142522_703423085220174_23171015303934 405186847_703423235220159_42425011489736

The post Shirka Golaha wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay saddex arrimood + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this