Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Wasiir Doodishe oo loo magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya ee Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   
doodishe.jpg?fit=1280%2C854&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa maanta loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee waddanka Qatar, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Doodishe oo muddo ku dhow laba sanno ahaa wasiirka amniga gudaha ayaa hadda noqon doono Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Qatar oo kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegay in Wasiir Doodishe uu maanta ka qayb-galay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaas oo noqon doono kiisii ugu dambeeyey, wuxuuna sidoo kale macsalaameeyay inta badan xubnaha Golaha Wasiirada ee maanta ka qayb-galay shirka.

Sawirro la soo qaaday shira kadib oo ay wada galeen Doodishe iyo xubnaha Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in la macsalaameeyay, maadaama uu noqonayo safiir.

Sidoo kale magacaabista Doodishe ee Safiirka Qatar waxaa xaqiijisay wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye oo qoraal soo dhigtay Fecebook-geeda.

“Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha XFS Safiirkeena Doha Qatar u fadhiisan doona dowladda Soomaaliya,” ayay qoraalkeeda ku tiri wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dhinaca kale lama oga cidda loo magacaabi doona booska uu banneeyay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, waxaana laga dhowr sugayaa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, maagacaabistan ayaa kusoo aaday xilli la filayo in uu Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  uu golahiisa Wasirrada ku sameeyo isku shaandheyn ballaaran, balse ma cadda xubnaha ay saameyn doonto, haddii la qaado tallaabadaasi.

403618583_7475603475811335_3010886237069 403713142_7475603312478018_2042411980900 404347503_7475603395811343_5620977415473 404349984_7475603899144626_7660339550342

The post Xog: Wasiir Doodishe oo loo magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya ee Qatar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this